REER GAR ADAGOOW SOMALILAND SUNE XUN BAAD KAGA TAGTEEN !!!


REER GAR ADAGOOW SOMALILAND SUNE XUN BAAD KAGA TAGTEEN !!!

Somaliland waa dal dimuqaradiyad iyo nidaamka axsaabta badan qaatey oo ay labada walaalaha ahi kala afkaar noqon karaan midwalibana xisbiga uu doono gali karo oo taageero siin karo , waxaana aynu qaadanay nidaamka ugu casrisan ee maanta aduunku wax ku doorto ee ah qof iyo rabitaankiisa shakhsiga ah.

Waxa aynu ku soo soconay nidaamka tan iyo markii doorashooyinka la furay sanadkii 2002 dii ee la qabtay doorashadii goleyaasha deegaanada dalka jamhuuriyada Somaliland ee ugu horeeyay ilaa bishii Oct 2008 dii oo ay beel Somaliland ahi shir u qabsatay si ay kursiga Madaxweynaha ugu qabsadaan reernimo.

Waxa hubaal ahayd in iyada oo aan la isweydiin Axmed Siilaanyo cidiisa iyo halka uu ka soo jeedo midna Somaliland oo dhan laga taageersanaa iyada oo lagu dooranayey ama lagu taageerayey taariikhdiisa, magaciisa, aqoontiisa iyo halgankii uu dalkan u soo galay.

Doorashadii lagaga helay xisbiga Kulmiye codadka yar ee kooban ee Somaliland ka dhacday sanadkii 2003dii waxa ay ahayd mid qurux badan oo aan beelo loo kala safnayn ee xisbiyo loo tartamayo oo ilmaadeertu is hayso, waxa ay ahayd ubax iyo bilow dimuqaradiyadeed oo u soo baxay Somaliland.

Haddaba taariikhdu markii ay ahayd bishii Oct 2008 ayaa beesha aanu tolka nahay ee uu ka soo jeeday madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Siilaanyo iyo Gudomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamud Aden ay shir ku qabsadeen degmada gobolka sanaag ee Garadag.

Shirkaasi oo inta laga og yahay ay beeshaasi danaheega iyo horumarka beesha kaga tashanaysay ayaa ajandayaashiisa hoose ay ka mid ahayd in murashaxa Madaxweynaha ee beeshaa ka soo jeeda la doorto, dhamaan dadka ay siyaasada isku hayaan ee beeshiisana laga turxaan saaro.

Arinkaasi markaa dadka reer Somaliland dhib ulamuu muuqan oo xukuumadii UDUB oo ragaad ahayd ayaa dalka ku rafatay mudo badan oo aad looga soo horjeeday, waxa kale oo hubaal ahayd marka aan ka qiyaas qaato kacdoonadii siyaasada iyo dareenkii dadka reer Somaliland in Siilaanyo Madaxwayne noqon lahaa xataa hadii aan Gar-adag lagu soo shirin.

Dhacday ; Siilaanyo oo taariikh badan oo wanaagsan umadan ku lahaa Madaxwayne noqoy, Somaliland waxa isa soo tartay oo ku soo badatay in reero iyo ardaayo loogu soo shiro siyaasadii oo waxaaba ay noqotay Sune in beelwaliba shir ay qabsato si ay markooga kursiga u fuulaan.

Reerihii reernimada iyo nidaamka qabiilka ka baxay amaba kasii xuubsiibanayey ayaa dhamaantood waxa dib waaqica siyaasadeed ee Somaliland ku soo kordhay ugu sanduleeyay in uu qolo waliba reernimadii ku noqoto oo iyaga oo abaabulan ay duulaan siyaasadeed ku qabsadaan kursiga hogaaminta qaranka jamhuuriyada Somaliland.

Waxa ay noqotay wadiiqo iyo raad la raaco oo la iska wada daba maro oo ilaa maanta taagan oo aynu arkeynaa beel wada muxaafid ah oo kursiga ilaalinaysa iyo beel wada mucaarid ah oo kursiga doonaysa in ay iyaguna markooga qabsadaan.

Dawladnimadii iyo waxii ay umadu wada lahayd ayaa waxa uu yeeshay raad qabyaaladeed iyo sawir foolxun oo kala shaki iyo isnac dhex dhigay dadkii reer Somaliland ee walaalaha ahaa ee wax wada lahaa ee is dhex galay, waxa ay dhashay in ninwalba reerkooga mooyaane aanu aamineyn cidkale.

Waxa kale oo arinkani sii dhalay isbahaysiyo reereed oo lagu raadinayo kursiga iyo talada umada u dhexda ah in lagu qabsado, waxa la iskala tagay waxii axsaabta loo aasaasay ee ahaa in mab’da iyo aragti la isku raaco oo aan reernimo iyo qabiil la isku raacin oo waxa samaysmay xulafo beeleedyo lagu doonayo hogaaminta umadda reer Somaliland.

Runtii waa qalooc iyo halow dimuqaradiyadeed oo inagu dhacay , waa foolxumo iyo raad habaw ah oo aynu raacnay oo aynaan ilaa maantana in la isku daydo mooyaane in la iska soo qabto oo aynu wax dhaama raadsano aan la isla garan , sidan ay u sii eekaanaysona aan loo diyaar ahayn, waana arin khatar ku ah hanaanka dimuqaradiyada, isdhexgalka dadka iyo dawladnimada Somaliland oo khatar weyni inagaga soo socoto hadii aynaan maanta iska garan.

Qalinkii

@Muhamed Dhimbiil

Advertisement

Ku Xayeysiiso