Daawo: Xildhibaan Nadiir Yusuf oo ka tisan Xildhibaanda Golaha Baarlamaanka DDS oo Ka dareen Celiyey Kulan Ujeedadisa aan la garanayn oo Hadhaagii ONLF ay ugu dawladaynayaan Xubno sheegtay In ayka masuul yihiin Garxajis

Xaaladaha isbadalku sababay iyo ujeedoyinka surmaseegto’ah.

Videogani waa warsaxaafadeed ay siwada jir ah usoo wadasaaren jabhada ONLF iyo Xubno kasoo jeeda Beesha Garxajis.

Hadaba waxaan ka dareen celinyaa kulankan

Iyadoo isbadal baaxadwayni ee dalkeena Ethiopia iyo degaankeenaba DDS
Ay daboolka ka rogay siyaasad furfuran, fasaxayna nidaamka xisbiyada badan.

Deegankeena DDS waxaa durba sooboday soxaronshii jabhadihii maqnaa oo isu diyaatinaya Ururo Siyaasadeed iyadoo Kuwa kalena kudabajiraan.
Oo aanu aad usodhawaynayno Nidaamka Xisbiyada badan iyo Tartanka Siyaasada oo ah dariiqa Bulshadeenu ku horumarayso.
Cidkastaana ciday ku qanacdo laxidhanayso.

Islamarkaana aanu aad usodhawaynayno Midnimada Somalinimo iyo xidhiidhka danaha bulshada wallaalaha ah oo aad hore ugu liitay, waajibna aytahay in lahorumaryo baahiyaha iyo danaha bulshada iyo kashaqaynta dariswanaagu.
Siina adkaynayno dadaalada Isbadalka kadhexmuuqda iyo dareenka Shacabka.

● Waxaan arkayaa kulankan Ujeedooyin surmosegto ah:-

Iswaydiin
1. ONLF ma jabhad Reerka Garxajis lashirtayba?.
2. ONLF ma urur Siyaasadeed Reerka Garxajis lashirtayba!?.
3. ONLF Reerka miyay udawladaynaysa!? Mise Xubno kusoo biiraybay Magaca guud ee Reerka kuqaabishay!?.
4. Kulanku ma kulan laba beeloodaba oo mid ONLF matalayso midna xubnaha Garxajis matalayaanbaa!?.

● Hadaba waxaa jiraa waa muuqaal aan isqarinayn:-

Dhinaca Beesha Garxajis
Beesha Garxajis waa beel balaadhan oo degta laba dal.
Qaybaheeda kaladuwan ee bulshaduna ay xidhidh layeelankaran Ururka ONLF iyo kuwakale oo badan.
Cidina aanay dareen uqabin halkay dadku doorbidan.

Balse aanay Xubno Ururka ONLF kubiiray Reerka dhan sheegankarin ee ay surmaseegtada iskadaayen.!?.

Taasoo Bulsho waynta Garxajis ay kamid tahay bulshada Xukumada DDS katalo qaadata,
Xisbigooda talada hayaana yahay XDSHSI.
Oo ay dadku dhisteen kuna wada qanacsanyihiin.

Xidhiidhka reerku la leeyahay reeraha kalena aanu umarayn Xisbi iyo Urur Siyaasadeed midna ee uu Toos ula xidhiidhayo hadba beesha ay dani gasho si madaxbanaani ah?.

Waxaanan waxka’ogaahay Shirka beelahaa dariska ahi ubalansanyihiin oo aanu qalbi furan kusodhawaynayno iyo in lanoqdo ul iyo diirkeed, ee ismaanlahayn ONLF ayaa kawakil ah!?.

Hadii Reernimo lagu socdana XDSHSI ayaa taladahaya oo soo dhistay Xukumada DDS ka arimisa.!?.
Danta guud ee bulshaduna utaala, bahiyaha bulashadana Xukumada DDS ayaa xilkasaranyahay.
Iyadoo ay jirto baahi badan oo dhanka horumarinta ah oo idinba dareemaysaan xalna xalna uwada doonayno.

Hadii Xubno Reerka ah oo Urur Siyaasadeedka ONLF kubiiraya aatihina ismuujintu dhib’aha oo Mugga Siyaasada la balaadhiyay!?.

Wabilaah tawfiiq
By/ Xildhibaan Nadir Yusuf Adan

Advertisement

Ku Xayeysiiso