Hal Seegtay Madaxweyne Biixi + Moganaanta Kadeedka Bulshada ka haysta kartilaawe aanay dooran . 2aad


Ma macdaar nin qudhi leeyahaa, Maandhow Qarankeenu 
Miyaan xeer shaqeeyiyo dastuur, meesha loo dhiganin 
Malahiisa siduu maagan yahay, moodistiyo tiisa 
Ikhtiyaar ku maamulid dalkani, maanu ka xoroobin. Cabdiraxmaan Abees

Dhacdooyin lakawsaday bilawgii xukuumada + dhibaatadii kala qabsaday qaybo kamid ah bulshada oo aan goob joog ka ahaa kutumashada awooda madaxweynaha .
Tan iyo markii madaxweyne muuse biixi cabdi la wareegay talada dalka waxaa soo baxaayay guux bulshada qaybaheeda kalla duwan kasoo gaadhaayay xafiiskiisa iyadoo meelaha ay bulshadu ku kulanto aad looga hadal hayay abuuritaanka kooxo sifo sharciga baal marsan u maroorsaday awooda madaxweyne biixi iyadii kooxahaasi ay isku jiraan dhallinyaro ay midaysay inay shaadhka Madaxweynaha qaranka jamhuuriyada somaliland ee u adeegsadaan danahooga gaarka.
Kooxasaahi isku bahayntay ku macaashista shaadhka madaxweynaha ayaa ahaa qaar bilawday Sanadkii 2016kii wakhtigaasi uu madaxweyne biixi ahaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye waxaanay bilaabeen sidii ay ugu diyaargaroobilahaayeen dhisida musharaxii wakhtigaasi haatana ah madaxweynaha qaranka dhallinyaradan ku midawday danahooga khaaska ah oo iskujira qanacsato Iyo Dhallinyaro kalla duwan oo qoys dhaw yihiin madaxweyne muuse biixi cabdi ayaa ka hawlgalay sidii Gudoomiyihii hore ee dalada SONYO haatan ah xoghayah khaaska ah ee madaxweyne biixi Mubaarik Ismaciil taani ay meesha u gaysan lahaayeen iyagoo Madaxweyne Biixi oo wakhtigaasi Ahaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye ku qanciyay in ay uga dhigaan xoghayn gaar ah wakhtigaasi oo ay jaanis u heleen ilaa laba xoghaye oo uu iska badelay Madaxweyne biixi markii uu ahaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye.
Guux iyo qalo badan oo hadheeyay taageerayaasha xisbiga kulmiye tani markii uu noqday Mubaarik ismaciil taani xoghayaha gudoomiyaha xisbiga kulmiye horaantii sanadkii 2016kii ayay qaybihii kalla duwanaa ee xisbiga u ahaa udub dhexaadka iyo taaageerayaasha waxaay kadeed badan kala kulmiyeen adeegaha musharaxii shacabka ka rabay codka iyadoo aan goob Joog ka ahaa dhacdooyin badan oo qaar kamid ah haldoorkii xisbiga keentay inay ka huleelaan Xisbigii ay waayaha adag lasoo mareen.
Bilaabaatitaanka kooxahaasi ay dantu midaysay ayaa bulshada kalla duwan ee somaliland waxaa layaab ku noqotay in madaxweynihii goaanka adkaa ee ay doorteen ay hareerihiisa ka socdaan dhallinyaro kala duwan sifo sharciga baalmarsan u adeegsanaaya shaadhkiisa iyadoo Madaxweyne biixi bulshada somaliland mudadaa sanadka ah ee uu xilka hayay uga markhaati kaceen sida uu qoyskiisa uga fogeeyay talada qaranka inay ku milmaan iyadoo ay jiraan dhacdooyin badan oo qaar ka mid shaqaalaha dawlada somaliland oo ay xigto dhaw iyo mid fogba yihiin madaxweyne biixi ay wasiirsadiisu ay sifo baalmarsan sharciga oo ay Madaxweynaha doonayeen inay kalsooni kaga heleen u duudsiiyay muwaadin badan xaq ay qaranka ku leeyihiin taabadelkiidana ay wasiiradu qoyskooda kasoo buux dhaafiyeen wasaaradaha kala duwan.
Bilawgii xukuumada madaxweyne muuse biixi cabdi ayaa waxaa la dareemay is kooxaysi ku dhisan hab danaysi oo lamid ah kii kooxaha u kala jabiyay dalladii dhallinyarada qaranka wakhtigii uu hogaaminaayay mubaarik taani inuu ka bilawday qasriga looga aramiyo qaranka siiba xafiiska madaxweynaha iyadoo tiraba ay jiraan dad badan oo karaamo iyo sharaf ku leh qaranka oo lagu bahdilay madaxweyanaha magaciisa.

Lasoco qaynta seddexaad oo xambaarsan dhacdooyinka aan goob jooga ka ahaa ee sifada Baalmarsan sharciga uu u adeegsado awooda madaxweynaha qaranka somaliland .

Allah Mahad Leh

Axmed Maxamed Shaqalle 
0634242204/065911826
Hargeysa Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso