HESHIISKA AYNU LA GALAY SHIRKADA DP WORLD EE DEKADA BERBERA, IYO KA LAGU BIXIYEY SALDHIGA MILATARI EE BERBERA MIYAANAY AHAYN QAAR DIB LOO EEGI KARO? !!!

HESHIISKA AYNU LA GALAY SHIRKADA DP WORLD EE DEKADA BERBERA, IYO KA LAGU BIXIYEY SALDHIGA MILATARI EE BERBERA MIYAANAY AHAYN QAAR DIB LOO EEGI KARO? !!!

Heshiisyada maalgashiga miyaan dib loo eegi karin, oo aynaan xisaabtan iyo qiimeyn ku sameyn karin tolow, oo iska eegi karin in ay inoo qalmaan iyo in kale ?

Haa waa loo eegi karaa oo golaha wakiiladu heshiiskii barigii uu Total la galay Madaxwayne Cigaal dhawr goor ayey dib u eegeen oo wax laga dhimay mudadii haamuhu u kiraysnaayeen Total ee loo xidhay , xaga lacagta ay haamuhu ku kiraysnaayeena wax baa lagaga kordhiyey dhawr goor. 

Sababta loogaga daba noqday heshiis ay xukuumad hore gashay may ahayn heshiis xukuumadaasi gashay ayaa sharci daro ahaa walow aan goleyaasha la keenin sidii lagu doodi jiray , ee waxa ay ahayd waxa lagaga faaiideystay wakhti ay duruufi haysay oo dawladuna dhaqaale u baahnayd.

Imika heshiiska maalgashi ee 442 million ee dollar lagu maalgalinayey Dekadeena Berbera dadkii taageersanaa in aynu fursad helnay baan ka mid ahaa, haddana waxa i didiyey oo aan ka shakiyey heshiiskaa Dekada ee Dp World iyo kii saldhiga milatari ee la siiyey UAE qaabkii loo waday ee ka gaadhsii iyo jiidhsiida ahaa markii ay marayeen goleyaasha sharci barlamaanka.

Waxa kale oo shaki iyo madmadaw ku jiray kala hadalkii madaxdii xukuumadii hore ee Axmed Siilaanyo oo marna ku sheegay in aanu heshiis ahayn waxa golaha la keenay ee uu yahay heshiis isfaham iyo in la gali karo heshiis, waxa ka sii darnaa markii heshiiska la soo saxeexay ee lagu soo celiyey golaha ee degdeg gacanta loogu taagay iyada oo aan la lafagurin lagana doodin.

Haddaba maantana waxa muuqata in aanay DP WORLD iyo UAE inoogu Hagar bixin sidii aynu ugu lisnay ee aynu irmaanteenii iyo garoonkii diyaaradaha ee caalamiga ahaa ugu wareejinay , iyada oo aynu wax faro guudkood ah iyo dano aynu ku galnay heshiis 30 sanadood ah oo wakhti dheer qaadanaya , waan arkay wadamo kale oo heshiis mudo dheer ay shirkadi la gashay oo ay dekadahooga la wareegray oo waxa ka mid ah Congo oo lafteedu iska duruufaysnayd.

Muhiimadu waa in aanay BERBERA oo ah Dekada ugu istaratajisan uguna muhiimsan marka la eego marinka ay ku taallo aanay noqon mid boos celin ah oo lagu dan gaadhayo ama lagaga ilaalinayo wadamo kale oo maalgashi inoo sameyn lahaa, sababta oo ah dalka imaaraadka iyo DP WORLD Waynu naqaanaa awoodooda dhaqaale iyo wax qabad oo hadii ay u dhaqaaqaan maanta waa ay dhisi lahaayeen qaybtii lagu kordhinayey Dekada Berbera tana waxa ay ka dhigi lahaayeen mid casri ah.

Isweydiintii iyo Aragtidii

@Muhamed Dhimbiil

Advertisement

Ku Xayeysiiso