Diyaarad nooca duuliyaha aan wadin oo saameyn ku yeelatay howlihii duulimeed ee garoon kuyaal Mareykanka

Waxaa gebi ahaanba hakad ku yimid howlihii adeegga duulimaad ee garoonka Caalamiga ah ee diyaaradaha ee magaalada New Jersey ee dalkaasi Mareykanka,kadib markii lagu arkay halkaasi ilaa 2 diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha wadin ee loo yaqaano Drone,sida ay sheegeen saraakiisha maamulka hawada garoonkaasi.

Garoonkan ayaa kamid ah 11ka garoon ee ugu mashquulka badan wadankaasi Mareykanka,waxaana la sheegay in diyaaradaha duuliye la’aanta  ah ay aad ugu soo dhawaadeen jawi hoosi taasi oo cabsi badan dhalisay.

Dhacdadan ayaa lamid ah middii ka dhacday magaalada London ee xarunta dalka Britain,markii lagu arkay diyaarad aan duuliye wadin,taasi oo saameyn ballaadhan ku yeelatay howlaha duulimad iyo dareenka kumanaan qof,waxaana muddo 3 maalmood ah xayirnaa duulimaad yadii.

Mas’uuliyiinta heer Federal ee maamulka garoonka ayaa sheegay in ay ka war Heleen digniino ku aadan in la arkay diyaarad nooca duuliye la’aanta ah,kadibna waxaa ay go’aan-sadeen in hakad la geliyo shaqada si loo xaqiijiyo bad qabka duulimaad.

Waxaa soconaya dadaalo dib loogu bilaabayo shaqooyinkii hakadka galay marka uu soo dhamaado baadhitaankaasi.

Dalka Mareykanka waxaa ka diwaangashan ilaa 1.3 Milyen oo Drones ah,balse Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa sheegaya in ay jiri karaan diyaarado kale oo aan la diwaangelinin,waxaana socda baadhitaano xoogan.

Muddooyinkii ugu dambeeyey dalalka Mareykanka iyo Britain waxaa jiray tuhuno iyo cabsi ku aadan isticmalka aaladaha Droneska,oo qeyb ka ah habka sirdoon oo ay adeegsadaan dowladaha,taasi oo keeni karta shaki iyo tuhun fara-badan,balse ma jiraan warar rasmi ah oo ka so baxay dowladda Mareykanka oo ku aadan dhacdadani.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso