Kenya”Waxaan dilnay 5 qof oo weerarka fuliyay, 2 kalena waa loo xidhay”

Tan iyo markii Alshabaab ay weerar ka geysteen Hotel Dysitd2 ee xaafadda Westland ee magaalada Nairobi Kenya salaasadii la soo dhaafay,waxaa dowladda Kenya laameheedi ammaanka ay ku raad joogeen sidii loo heli lahaa macluumaad sax ah oo ku saabsan khasaaraha halkaasi ka dhashey.

Ilaa 21 qof ayaa lagu soo waramaya in tirada dhimashadu ay gaadhay sida ay warbaahinta u sheegen saraakiisha laamaha ammaanka dalkaasi Kenya.

waxaa la la’yahay  ilaa 19 qof sida lagu shegay warar ay baahinayaan warbaahinta caalamka oo soo xiganaya hadal ka soo baxay hay’adda Laanqeyrta Cas ee Dalkaasi Kenya ka howlgasha.

Kenya Joseph Boinnet oo ah taliyaha ciidanka booliska dalka Kenya ayaa u sheeegay wakaaladda Wararka Faransiiska AFP in ay toogasho ku dileen ilaa 5 qof oo ahaa ragii fuliyay weerarkii ka dhacay Dusitd2 hotel ee magaaladaasi Nairobi.

Sidoo kale Waxaa ay xidheen ciidamada ammaanka dalka Kenya labo qof oo looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen fulinta weerarkii salaasadii dhacay,kuwaasi oo laga soo qabtay xili ay ku sugnaayeen xarumohooda oo ay u dheceen ciidanka booliska.

Madaxweynaha dalkaasi Kenya Uhurru Kenyatta ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen 14 qof halka 700 kalena laga soo bad baadiyay,wuxuuna ku baaqay in laga hortago falalkaasi argagixisanimada leh.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso