Dibiga Doolood dhegahiisu waxsan bay maqlaan, laakiinse, indhihiisu ma arkaan. Waa maahmaah qadiimiya oo ka turjumaysa dibiga lab oo hamuun u qaba gasiimo uu jadiinkiisa mariyo –oo silica gaajada ka faydda, boggiisa laabanna ka yeesha mid soo toosa. Xilliyadu kale qalafsan oo kale sed roon, haddana sii kale barwaaqaysan. Dibiga Doolood na habeenkii waxa uu ku seexda milaysan oo waayahiisa leh. In uu berri aroori oo biyo ka cuuran doono, waa waxa dhegahiisu weeleeyaan habeenkii. Balse, marka lo’du dharaarta waageeda hore u hollato xaggaa iyo ceelka, loona sii diyaariyo darkii, wadaantii, iyo dawliskii ba. Waxaa kadinka darka is taaga dhallinyaro xooggan oo intii dheddig ah darka ku sii daysa, wixii laboodana yur iyo waxaan dhaamin ku horjoogsada oo darka ka maanica ilaa lo’da dheddig ka dheregto biyahana kana durduurato. Laakiinse, dibigii doolood wixii dhegihiisu maqlayeen oo weeleeyeen eeggan se ma haayo. Waxaanu la kulmay bud geesaha laga ga budliyey. Gebagebadiina durduurashadii lo’da ka dib loo sii daayey dar lagu kale hagaagay oo dhibicdii u danbaysayna durduurasho Ku idlaatay. Darka raggii shubaayey waxay daal awgeed dul jiifaan burciid ceelka geeskiisa tuulaan. Haseyeeshee, dibigi oo qadoodi Ku dhacay ayaa naawilay bal haddiiba geyigani ahaan lahaa dhul barwaaqo, roob iyo naq maansheeyey sidii uu cindigiisu ahaan la haa. Isagoo naruuro kula nool dheddigiisa, xorfadaha xareeddu galac leedahayna kolba mar fuuqsanaaya xoogyaweyntan maanta geesahiisii budlaysanna ay bilaayo haleeshay. Allaylahee taasaa wacnayd!.
Tabtaas waxa ka lamid ah shacabka Somaliland waxay maalin walba maqlaan hididiilooyin maangal ah oo mustaqbal fiican u horseedaya, waa haddii laga midha dhaliyee. Laakiinse, waxaa jab lagu dhigay intii siyaasad ahaan liidatay, cilmi ahaan hoosaysay, ayaa maharaja hogaamineed haysa, ciddii taraxdaana waxay noqdaan uun maqaar saar amase kaba qaad.
Hoggaamiye kasta oo duulkan hoggaankooda nasiib u helaana marna is-ma yidhaahdo, “bal dadkaagan baahiyahooda uun aqbal wixii aad qaban kartana intaad sheegto, ku dhaqaaq”. Waxaa laga ducaysan jiray “Allaw qalbi engegegga naga salaamadyeel”, haseyeeshee, sidaasi may dhicin. Umadda majaraheedana waxaa qabta uun siyaasi aad is-odhanaysid markiisii hore waxa uu ahaa saaqid. Haa. Isagu marna kumuu fekerin in uu noqdo mas’uul. Waxaa dabada ka riixayey kabaqaadyo aan hab-fekerkoodu taam ahayn. Qabiilaysiga hoose iyo gacanta qarsoon ee siyaasiga iyo oday dhaqameedka ka dhexeeyeyna waxa uu ahaa mid aanay shacabku ogayn.
Bal eeg maciishaddan qaaliga ah, daawadan dhacday, biyahan aan nafiifta ahayn, bariiskan samayska, cisbitaalladan aad mooddo in ay yuhuud la dagaallansanyihiin iyo shacabkan wada kabuubyoonaya sidii oo ay tagfi ku degtay. Hal mar uun haddiinla helo siyaasi si’ tolmoon u fekeraya waxaa hubaala in ay shacabkuna noqdaan gurgurshaa mudeec ah.
Sadam Osman kaabash
Hargeisa, Somaliland
Fekerka aqoonyahanka
Sadamkabash99@gmail.com
—
Name: Sadam Osman Mohamed
Phone : 063 4010419
Email: Sadamkabash99@gmail.com
Address : mohamed moge village
Tittle: Biomedical Scientist / Writer