Dalxiisayaal Ajaanib ah oo ku dhintay Shil gaari oo ka dhacay dalka…

Shil gaadhi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay bariga Dalka Cuba,sida ay ku waramayaan warbaahinta ka howlgasha dalkaasi,waxaana kujira dalxiisayaal ajaanib ahaa o dalkaasi ku sugnaa.

Sida ay sheegayso warbaahinta maxalliga ah ee dalka Cuba shil gaadhi oo ka dhacay Bariga dalkaas ayaa galaaftay nolosha ugu yaraan toddobo qof, oo ay kujiraan afar ajaanib ah, halka tobonaan kalena ay ku dhaawacmeen.

Inta la ogyahay 7 qof ayaa ku geeriyootay kadib markii uu la rogmaday gaadhi ay la socdeen oo uu xakameyn wayaay darawalkiia waday sida ay sheegayana dad goob joogayaal ahaa,sida ay sheegayaan warbahinta dalxiisayaasha ajaanibta ah aya aisugu jira 2 Argentin,mid Faransiis ah halka mid kalena uu u dhashay Jarmalka

Sidoo kale dad gaadhaya ilaa  33 ruux ayaa dhaawac uu ka soo gaadhay shilkaasi gaadhi,waxaana la sheegayaa in ay kujiraan muwaadiniin u kala dhashey wadamada Britain,Maraykanka,Canada, faransiiska, Holand iyo Dalka Spain,kuwaasi oo dalxiis ahaan u joogay dalkaasi Cuba ee dhacay Waqooyiga America,waxaana gaarigaasi saarnayd 40 qof oo 22 kamid ah ay ahaayeen dad ajaanib ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Gaadhi Bus ah oo ay saarnaayeen dadkaasi shil ku galaya meel u dhow magaalada lagu magacaabo Guantánamo,waxaana la sheegay in uu ka shaqeynayay inta u dhexeysa magaalooyinka,Baracoa iyo caasimadda dalkaasi Cubba ee Havana,

Qaar kamid ah dadka dhaawacyada qaba ayaa la sheegayaa in xaaladoodi ay aad u liidato,dadka waxyeelada soo gaadhay uma badna muwaadiniinta dalkaasi u dhalatay.

Dalkaasi Cuba ayaa inta badan caan ku ah shilalka,waxaana jira liis ku saabsan shilalkii dalkaasi ka dhacay ilaa 2012kii in ay gaadhayso 4,400 oo dhimasho ah, sida ay sheegayaan warbaahinta dalkaasi oo soo xiganaya macluumaad laga heley hay’adaha amniga dalkaasi Cuba.

Advertisement

Ku Xayeysiiso