Madaxweynaha Puntland oo la doortay

Waxaa goordhaw soo dhamaatay wareegii ugu dambeeyay doorashada Madaxweynaha maamulka Puntland oo ka socotay magaalada Garoowe, waxaana wareegii ugu dambeeyay doorashada ku tartamayay labo musharax.

Doorashada waxaa ku guuleestay Musharax  Saciid Cabdulaahi Dani oo helay 35 cod halka Musharaxa kaalinta labada galay Asad Cismaan Cabdulaahi Diyaano uu isna helay 31-cod..

Doorashada goordhaw ka dhacday magaaada Garawe ayaa aheyd mid xiiso iyo xamaasad gaar ah wadatay, waxaana doorashada ku hadhay Musharaxiin horey loo saadaalinayay in ay ku guuleesan donaan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso