Ciidamada Gabon oo Afgambi ku qabsaday qeybo ka mid ah dalkaasi

Ciidamada dalka Gabon ayaa lagu waramayaa in ay ku dhaaqaaqeen afgambi ,isla markaana ay shaaca ka qaadeen in ay aasaasayaan gole soo celiya rajada,ka dib kolkii ay la wareegeen xarunta Idaacadda Qaranka ee dalkaasi.

Rasaas ayaa la sheegayaa in laga maqlaayo magaalada caasimadda ah ee Libreville.

Hadal ay sii daayeen saraakiiil ka tirsan ciidamada ayeey ku cambaareeyeen Madaxweyne Ali Bongo oo xaalad caafimaad ugu maqan dalka Morocco .

Mr.Bongo, Madaxweynaha Gabon oo 59-sano jir ah,waxa soo wajahay bishii Oktoobar ee la soo dhaafay cudurka dhiig karka , xiilli uu booqanaayey Saudi Arabia,illaa markaana waxaa lagu daaweynaayey dalka Morocco.

Advertisement

Ku Xayeysiiso