Qoomiyadihii ku barakacay gudaha Itoobiya oo dib ugu laabanaya degaannadoodii hore

In ka badan 400,000 oo ku barakacday gudaha Dalka Itoobiya ayaa dib ugu noqonaya goobihii ay ka kala yimmaaddeen oo u badan xadka kala qaybiya Soomaalida iyo Oromada.

Dadka ugu badan ayaa waxay ka yimmaaddeen degaannada, Moyaale, Borena, Gujji, Bale, bariga iyo galbeedka aagga Hererge , sida uu Wakaaladda Wararka Itoobiya ee (Ethiopian News Agency) ENA u sheegay Madaxa Guddiga maareynta qataraha musiibooyinka ee Oromiya, Mekonnen Lenjessa.

Mr, Lenjessa, ayaa sheegay in shaqaaqoyinkii ka dhacay xadka Gobollada Soomaalida iyo Oromada Itoobiya aysan haatan jirin xaaladduna ay tahay mid deggen oo laysku halleyn karo.

Dagaalka Gacan ka hadalka ee Qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa soo billoowday December 2016-kii, kaas oo ku salaysnaa muranka xudduudaha iyo Dhul daaqsimeed, waxaana ku dhintay Kumanaan Qof, halka Milaayiin kalana ay ku bara-kaceen.

Advertisement

Ku Xayeysiiso