Guddiga Doorashada Ee guddoonka Baarlamaanka Puntland oo la magacaabay

Guddoomiyaha Ku-meel gaarka ah ee Golaha Wakiilada Dawlad goboleedka Puntland Mudane Yaasiin Xuseen Xaaji Jaamac ayaa magacaabay Guddigii ka shaqeyn lahaa qabsoomida doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi iyo labadiisa Ku-xiggeen.

Guddiga doorashada Baarlamaanka ee uu magacaabay ku simaha guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland ayaa ka kooban 6 xubnood iyo guddoomiyahooda, waxaana sida qorshuhu uu yahay ay ka shaqeyn doonaan qabsoomidda doorashada gudoonka Baarlamaanka Puntland.

Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Abtiile ayaa loo magacaabay gudoomiyaha Guddiga doorashada gudoonka Golaha wakiilada Puntland.

Doorashada gudoonka golaha wakiilada Dawlad goboleedka Puntland ayaa la filayaa in ay dhacdo 4-bisha Janaayo oo ku beegan maalinimada Jimcaha ee soo socota, waxaana u sharaxan xilka guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen musharixiin gaaraya 8 musharax.

Advertisement

Ku Xayeysiiso