Qabyaalada Axmed Cade

Qabyaalad

Qabyaaladu waa qasaare,  erey qalafsan,  quudhsi, dadeed uma qalantid iyo qoyskeena maha, isma qabanoo, qaladkaanu isku raacnaa, ma gayno qoomkan,  keenaa qaayo weyn ka qurux wacan idilkood .

Qabyaaladu waa  isku takoorka, nin jecleysiga iyo ku nacida qof qabiilku yahay kuna soo dhewysiga shaqsiga qabiilkiisa,

Qabyaaladu waa  mid idleysa ama cunta wanaagkasta oo lasameeyo,  waxayna tirtirtaa sheykastoo   samaan ahaa. 

Qabyaaladu waa dab iyo naar,  lagu shido wanaaga iyo wada noolaanshaha bulshada, qoomamka , qabiilada, jufooyinka iyo qarankaba ,  taas oo dhaxalsiisa,  is nacayb iyo colaad aan dhamaan.

 Qabyaaladu waa dhidibada xumaanta lagu aslo, xasadkana lagu adkeeyo  cuqdada iyo naxligana lagu beero,

Qabyaaladu waa qab iyo isla weyni ku qufulan qalbi qudcur gudey. 

Qabyaaladu waxay hoos u dhigtaa milgaha, horumarka iyo sharafta  bulshada ay soo dhex gasho. 

 

Qabyaaladu waxay dumisaa, qarankastooy gasho, waxay dhaawacdaa qalbikastooy taabato, sidoo kale waxay u quus goysaa wanaaga iyo cadaalada,  waxay iridaha ufurtaa dulmiga iyo xaq-duudsiga, sidoole waxay  horsocotaa, hagtaana colaad,  qax, utun joogta ah iyo aargoosi aan loo  abo yeelin,  dhibaato aan sahal ku dhamaan.

Sikastooy ahataba qabyaaladu  wanaag maleh  waxay dumiso mooyane,  abwaan soomaliyeedna wuxu yidhi isagoo ka hadlaya ineyna qabyaaladu dheef togan mooye lehayn  mid taban wuxuu  yidhi sidan……..

Dugsi maleh qabyaaladi 

waxay dumiso mooyane 

        Abwaan timacade

Sidookale suugaan yahayn soomaliyeed wuxuu sheegaya, qabyaaladu iney tahay cudur, ku dhacay umadeena, sidookale wuxuu  inoo tilmaamaya, in qabyaladu tahay wax dhib mooyee wanaagba laga helin,   wuxuse kudaray in iyadu tahay waxa hoos inoo Dhigey, wuxuuna yidhi sidan. 

…..

Qurux iyo wanaag iyo Cabdow qaayo laga waayee 

Qasaaraha ay leedahay hadaan qodob ka faaleeyo 

Qudhun weeyi soomaalidii qoorta loo sudhayee 

Waa waxa labada qoobka xidhay tan iyo qaabiile 

Waa waxa kala qoqobay ee qoysba meel dhigaye 

Waa waxa qoxootiga badayee qiilay sharaftoode 

Waa waxa walaal qawrac yidhi qaybtii baad heliyee 

Qayrkeed waxay uga hadhay qoliyo reer reere 

            Hal-abuur Rudwaan Maajid

………

Qabyaaladdu Cabdow waa dulmiye maaha qaab kale’e

Qabiilkaynu moodayno iyo ma’aha qoys qoyse

Qudhun iyo qashaabiir xun iyo waa qab iyo beene

Qush qush weeye cuduroo ku dhaca qoomkii jaahilahe

Qaafilnimo wax naannaabisiyo waa af kala qaade

Qaladaadka aadmigu galay qoorta dheerta haye

Denbi weeye qaraloo nafluhu qaaqda ka hayaaye

Waa quudhsi xaaraan ah oon qurub bannaaynee

Qiil uguma yaal diinta iyo aayadaa qorone

                                              Abwaan Maxamed Yuusuf X.Cabdi(Kayse)

Sidoo kale wuxuu yidhi abwaan soomaliyeed isagoo ka hadlaya qabyalada iyo xumaanteda iney dadka waaweyni ay dabada kariixayaan waxay u dhigneyd tixdiisu sidan….

Aanaduna cadliga laga tagay, aabaheed tahaye,

Aargoosigiisiyo dulmigu, waa isu adeere,

Marka xaqa la awdaa tolnimo, loo abtiriyaaye,

Haddii uu insaaf jiro qabiil, lama ogaadeene,

Kolkuu oday durbaanka u tumuu, inan ciyaaraaye.                                                                                               

      Xaaji Aadan Af-qalooc(AHUN)

Waxa jira in ay soomalidii isku qaladay qabiilka iyo qabyaalada …?

Qabiilku waa nasabiyad ama abtirsiin  iyo isir ay isku gartaan dadku, qabiilku waa wax Alle soo dajiyey  oo wanaagsan Allena wuxu yidhi  isagoo  ka hadlaya in qabiilka loogu talagalay in laysku garto uun se  Alle Agtiisa fadligu yahay ama lagu kala sareeyo sida loo kala  (Alle  cabsi badanyahay )

Wuxuuna yidhi sidan … 

.《●Dadoow waxaanu idinka abuurney  Lab iyo dhadig waxaan idinka yeelnay shucuub iyo qabiilo si aad isku garataan kiina ugu sharafta badan dhankaya waa kiina ugu alle cabsi badan●》…

Suuratu xujirat ayada 12 naad…

)))

Xataa  abwaanada somaliyeed  kamay hal-maamin in ay ka hadlaan oo ay suugaantooda ku cabiraan in ay  soamalidu ku qaldantahay  si xun u adeegsiga qabiilka wuxuuna yidhi sidan.

Soomaalidu inay eber tahay oo garashadii aastay 

Oo ay ugaadh tahay ayaan idin ogaysiine 

Abtirsiino beelaa qaribay oo ujeedo lehe 

Qof kii aan awoowgoodu dhalin ma ag fadhiistaano 

Mana oga inaan eebeheen ka aqbalahayno 

Mana odhan islaamkaa ugu wacan hayb la aamino 

Ismay odhan dadkaba xaawa iyo aadan baa dhalay 

Mana odhan ibliis baa isku diray inamadoodiye 

Ismay odhan jin baa kala eryaye waa ul iyo dire 

Mana odhan adduunkanniba waa laba ayaamoode 

Ismay odhan ninkii kuu arxama ayaa ab kuu xiga’e 

Mana odhan arlaa ka weyn edega aad taale 

Ismay odhan qofkii ku af gartaad ehel wadaag taane 

Waxaan laga ajiibayn bay ku indha beeleene 

         Abwaan Maxamud Saleebaan (Waraabe) 

Abwaankale isaguna wuxuu yidhi isagoo sheegaya in qabiilku iyo qabyaaladu isku jaad ahayn wuxuu yidhi sidan…

Qabiilkuna waa astaan 

Quruumuhu isku gartaan 

Illaahay baa qadaray 

Quraankeenaa fasiray 

Qaneecaad waa runtee 

Qoladu hoy maaha ceeb 

Qof iyo magacbaynu nahay 

Qoys iyo ehel baynu nahay 

Xigto iyo qaraabaynu nahay 

Haddaan la qaloocinayn 

Qayb iyo reeraynu nahay 

Qoom iyo ummadaynu nahay 

Bulsho iyo qaran baynu nahay 

Qaneecaad waa runtee 

Qoladu hoy maaha ceeb  

                       Abwaan Cabdiqaadir Cabdi SHube 

Haddaba waxa fiican in lakala garto, labada erey ee kor ku xusan taasna waxay kuuhorseedi doontaa, inaad garasho dheerada  u yeelato  ood ku kala soocdo, qabiilka iyo qabyaalada, haddaan marlabaad si kooban u dul-xaadiyo, labada erey….. qabiilku waa abtirsiinta iyo isirka dadka ka dhexeeya taas oo lagu kala garto tolka iyo sidey dadku iskukala xigaan.

Qabyaaladuna waa shay aan marna banaaneyn in la adeegsado wana kala sareysiinta bulshada  iyo kala jeclaanta dadka iyadoo lagu cabirayo hal-beegna ay u tahay reernimo…..

Qoraa. Ahmed Muuse 

EMAIL. axmedcade33@gmail.com

Maqaal qabyaalad 

 Trisiga 1/1/2019 

Malin arbaca  ah 

Berbera somaliland 

Advertisement

Ku Xayeysiiso