Hoggaamiyaha W/Kuuriya oo si kulul ula hadlay Mareykanka

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa siweyn uga hadlay heshiiskii dalkiisa uu la gaadhay Mareykanka oo ku saabsanaa ka tanaasulka arrimaah horumarinta Nuclearka ee dalkaasi,wuxuuna ka dalbaday Mareykanku in uu arrinkaasi fuliyo waxyaabihii lagu heshiiyay.

Mr Kim Jon Un ayaa hadalkan jeediyay isagoo khudbad sanadle ah u jeedinayay shacbka dalkiisa,wuxuuna sheegay in Xukuumadda Pyongyang ay ka go’an tahay ka tanaasulka Nuclearka iyo ballaadhintiisa oo dunidu ay ka walaacday,balse wuxuu muujiyay in weli Washington aanay ka soo dhalaalin waxyaabihii lagu heshiiyay.

Hadalada Hoggaamiyaha Da’da yare e Waqooyiga Kuuriya oo ay ku jireen ereyo u muuqanayay hanjabaadyo lagana sii daayay Televeshinka Qaranka dalkaasi ayaa muujiyay in dalkiisa uu xaq u leeyahay in uu ilaaliyo sharafta,badaxbanaanida iyo damnaha shacabka Kuuriyada Waqooyi.

“Hadii dowladda Mareykanku aanay fulin waxyaabihii lagu heshiiyay,ayna ku adkeysato in ay sii wado xayiraadaha iyo cadaadiska ay dalkeyna saarayso,waan ka bixi doonaa,waxaana raadinaynaa habkale oo aan ku ilaashano madaxbanaanidena iyo danaha qarankeeda”. Ayuu yidhi Mr Kim Jon Un.

Sanadkii hore hadal uu jeediyay ayuu ku sheegay in dalkiisu gaadhay hore u mar ballaadhan oo laga sameeyay dhinaca diplomaasiyadda markii uu heshiisyo la gaadhay Mareykanka iyo W/Kuuriya.

Horey waxaa u kulmay hogaamiyaasha Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi,waxaana Mr Kim uu dalbanayaa kulan labaad oo uu la qaato madaxweyne Trump.

Advertisement

Ku Xayeysiiso