Doorashooyin  ka bilowday Koongo dib u dhac badan kadib  

Goobaha codbixinta ee tartanka doorashooyinka madaxtinimo iyo kan baarlamaan ee dalka Jamhuuriyadda Koongo ayaa maanta si rasmi ah uga furmay dalkaasi .

Doorashooyinkaan waxa ku tartamaya 21 musharax oo doonaya in ay baddalaan Josef kabilla oo awoodda dalkaasi la wareegay sanadkii 2001-dii ,ka dib markii la dilay aabihii.

Waxaa jira dad yar oo maanta isugu soo baxay xarumaha codbixinta ee  magaalada Kinshaasha sababo la xidhiidha roobab xoogan oo ka da’aya halkaasi.

46-milyan ayaa isu diiwaangalisay in ay dhiibtaan codkooda halka la tilmaamayo in 20%  aan la furin xarumaha codbixinta, iyadoo loo aaneynayo qalabkii doorashada oo aan la geyn.

Sadex magaallo oo ka tirsan bariga dalka Koongo ayaa la sheegay in aysan ka dhaceyn doorashooyinka ,sida ay ka dhawaajiyeen guddigga doorashooyinka oo u cuskaday in degmooyinkaasi ay ka jiraan cudurka Ebola iyo dagaallo qabiil.

Advertisement

Ku Xayeysiiso