Miisaaniyada JSL ee 2019 Maxaa looga reebay Kirooyinkii ka soo xaroonaayey Dekeda Berbera iyo Madaarka Berbera..?! Qalinkii -A/rahman Fidhinle UK.

Waqtigii Xukuumada kulmiye ay xukunka dalka haleeshay waxaa  Miisaaniyada qaranku aheyd $ 50 million oo dollar oo barakeysan. Sanadihii 2012 iyo  2013 way sadex laabeen oo waxay ka dhigeen $170 million dollar oo male awaal ah, sanadkii  2014 waxay ku odoroseen $ 212 Million dollar oo cilmi feleg ah. sanadkii  2015 way sii shaasheeyeen oo waxay ku sii bishileen $ 251 Million dollar.  Boowe ! Waxaa soo aduun la sedex laabay , la afar laabay oo Caasimada Hargeysi ay weli  ka biyo la’dahay wax macne leh oo maadi ah may sameyn, waxaa keliya ee laga hayaa ama ka muuqda dalka oo dhan waa deyrar yar yar oo la wareejiyey iyo daaraha laba Wasaaradood oo keliya waayo inta kale dhismeyaasha wasaaradaha waxaa in oo dhisay hayadaha caalamiga ah.

 Sanadkii  2016  ayaa isna xukuumadii X-kulmiye ku hadaaqday in boqolkiiba13% ay kordhiyeen miisaaniyadii dalka iyaga oo ku odorosay miisaaniyada sanadkaas lacag dhan: $298 Million Dollar, hada waa Xukuumadii ku caanka baxday ” maal urursiga, cadaalada leexatay iyo cashuur la lunsaday”. Sanadkii 2017Waxay miisaaniyada ku qiyaaseen  hadana lacag dhan  $362 million dollar. Sanadkan sii dhamaanaya ee  2018 ayey Xukuumada MBA miisaaniyada ku falkiyeen  lacag dhan:168,7000.000.00 SL / shilling. Maantana  waxaynu  markhaati ka noqonay  Sanadkan cusub ee soo socda ee  2019 in ay  miisaaniyada qaranka ku soo biyo dhiijiyeen lacag dhan : 2,234.320.463.251 SL / Shilling. kuye ! Waxay miisaaniyadani ka badan tahay tii kal hore 8% iyada oo aan la arag lana maqal goob xisaab xidhkii miisaaniyada sanadka 2018 lagu soo badhigay….Yaab !!

Iyada oo lawada ogyahay in aanu qarankan Somalilaan laheyn “Gunti Giijis Dhaqaale” iyadoo aanu dalku laheyn xog, xaqiiq iyo xiliyo isku sar go’an, iyada lawada ogyahay in qorshaha ansixinta miisaaniyadu yahay qorshe wadareed mug leh oo waqti badan u baahan ayaa Xukuumadu caadaysatay in duuduub mar kasta loogu ansixiyo Miisaaniyad aan laga doodin oo aan ku iman maskax tuujin iyo macne cokan, iyada oo weliba ah miisaaniyad  cilmi feleg ah oo aan muud iyo miisaan isku sar go’an laheyn, markaad eegto sida wasaaradaha iyo hayadaha dawlada loogu qaybiyey, bal u  fiirso  sida mashaariicda gobolada loo kala fadilay.

Waxaa ummadda fajaciso iyo yaab ku noqotay Wasaaraddii Waxbarashada ee ugu baaxada weyneyd uguna shaqaalaha badneyd dalka oo shaqaalaheedu qaadhaayo 37.8 %  marka lagu sar gooyo shaqaalaha JSL  oo ku soo aruray tiro koobkii ka dib 14,057 qof, ayaa Miisaaniyada loogu daray  lacag dhan 71 Bilyan oo SL/Shilling ah halka Wasaaradda Maaliyada oo shaqaalaheedu yahay 9.6 % , miisaaniyada loogu daray  lacag dhan 242 Bilyan Sl/Shilling.  Waxaa iyana fajaciso iyo yaab shacabka ku noqotay markii wasaaradda Warfaafinta iyo dhaqanka oo shaqaalaheedu uu yahay 3.9% oo keliya  Miisaaniyada loogu daray lacag dhan 44 Bilyan Sl/shillings taas oo ka badan labada wasaaradood ee nolosha shacabka wax ka bedeli lahaa sida Wasaaradda Beeraha oo miisaamiyada loogu daray 17 Bilyan Sl/shilling iyo Wasaaradda kaluumaysiga iyo xanaanada xoolaha oo miisaaniyada iyana loogu daray lacag dhan 28 Bilyan Sl/Shilling .

Waxaynu wada og nahay in qarankan yar ee raad qaadka ah  ee raranka maanta saarani aanu laheyn Turuq ama (Jump start) ama gun-dhig uu isku taago si aanu u-liicin, ululmin oo aanu uga-lumin tubtii toosneyd ee loogu talo galey, Hadaba Jugtii lagu istaadhi lahaa dhaqaalaha yar ee Somalilaan ayaan ku jirin Miisaaniyadan  male awaalka ah ee  2019,  Waayo Waxaa ka maqan miisaaniyadan lacagahan hoose oo aan ummadda weli loo cadeyn asbaabaha looga reebay miisaaniyada lacagahan tirada badan  sida :

 1-Kirada Madaarka Berbera oo saldhig ciidan ay ka dhigatay dawlada imaaraatiga  laguna kireeyey lacag dhan $300 million doollar

2- Kirada Dekeda Berbera oo lagu qiyaasay lacag ka badan  $6 Million dollar iyo weliba faa’idada laga helay Dekeda sanadkiiba mar oo noqonaysa  10 % .

3- Lacagta  ka soo xaroota  Haamaha Keydka Shidaalka  ee Berbera, maadaama  dawladu la wareegtay, lacagtaas oo lagu qiyaasay $24 million dollar sanadkiiba

4- Lacagaha u qoondeysan in ay xukumadu soo daabacato sanadka 2019, maadaama kulmiye lagu yaqaan lacag daabacashada sicir bararka inoo keenay.

5- Lacagaha  kor loogu soo qaadayo  Baanka Dhexe ee JSL oo imaaraatigu uu balan qaaday inuu bixin doono maadaama sanadkan dhamaaday ee 2018 uu bixiyey.

Waxaa Xukuumada looga fadhiyaa in ay shacabka  JSL u soo bandhigto xisaab xidhka miisaaniyada sandankan dhamaaday ee 2018, kaa soo laga filaayo in uu ahaado xisaab xidh ku saleysan Qorsheyaashii Horumarineed ee Qaranka Somalilaan lagu horumarinaayey ee loo bixiyey  qorshaha horumarinta  higsiga qaranka ee ( NDP 2) .

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London

Advertisement

Ku Xayeysiiso