Bulxanow Maya !

Bulxanow Maya !

Asalaamu Calaykum

Qadiyada Shacbiga iyo Xornimada Jamhuuriyada Somaliland maaha Qadiyad cid kastaa u cumaamadan karto, maaha Qadiyad fudud oo cidii aanay khusayn lagala hadli karo, maaha Qadiyad la weydayn karo oo hoos looga dhigi karo halka ay taagan tahay iyo Qiimaha ay ugu fadhido Ummada reer Somaliland.

Qadiyada Somaliland marka laga hadlayo waa Nafta iyo Nolosha iyo jiritaanka Muwaadinka Somaliland, waxa ay tahay oo ay taagan tahay ma jirtid iyo waan jiraa, waan Noolahay oo inaan Noolaado ayaan rabaa iyo ma jirtid mana noolaanaysid.

Somaliland iyo Soomaalia waxay isku hayaan waa ma jiraysid iyo waan jirayaa, waa arrin doodisteeda iyo ku dagaalankeeduba ay u taallo Xukuumada Somaliland ee Shacabku u doortay, Golayaasha Sharci Dejintuna ay u igmadeen Xukuumada oo kaliya oo aan cid kale aanay dhex-carari karin.

Dunida laguma arag Taariikhda Diplomaasiyadeed ee soo jireenka ahna laguma arag laba dawladood oo is haya oo Colaadi ay u dhaxayso oo la yidhi Dadkoodu ama Dadweynahoodu ha wada hadlaan. Xukuumadaha oo kaliya ayaa wada hadla.

Tusaale dhow haddii aynu soo qaadano Maraykan iyo Waqooyiga Kuuriya ama Eritrea iyo Itoobiya ama Koonfurta iyo Waqooyiga Kuuriya Shacbigooda looma diro oo lama yidhaahdo ordoo soo dooda ama soo wada hadla. Xukuumadaha oo keliya ayaa wada hadla oo ama heshiiya ama aan heshiin.

Qadiyada Somaliland waa mid ka sii culus oo ay Dawlada Soomaaliya geystay Xasuuq iyo Burbur baaxad weyn oo boqolaal kun oo reer Somaliland ahi u dhinteen una dhaawacmeen oo ay u burbureen Magaalooyin la soo dhisayay boqolaal Sanadood.

Qadiyada Somaliland ee ku fadhida Culayska intaas leeg maaha Qadiyad la khafiifin karo oo miisaankeeda hoos loo dhigi karo oo ay dad is cumaamaday oo aan cidina aanay diran ay kolba matxafyo kaga sheekayn karaan ama kala hadli karaan dad aan ahayn kuwa mudan in lagala hadlo.

Cadawga Somaliland waxa uu doonayaa inuu Qadiyada Somaliland ka dhigo mid local ah oo Soomaalinimo iyo si hoose loogu dhamayn karo oo laga dhigi karo khilaaf yar oo Soomaali dhex yaala oo la mid ah ka u dhexeeya Jubaland iyo Muqdisho ama Farmaajo iyo Maamul goboleedadiisa.

Xukuumada Somaliland waxaan usoo Jeedinayaa inaanay cidna ka ogolaan inay is cumaamadaan oo ay yidhaahdaan Qadiyada Somaliland ayaanu reer Soomaaliya kala hadlaynaa, hadii kale waxaa dhici doonta in Golaha Salaadiinta iyo Culimada iyo ururrada haweenku ay iyaguna tegi doonaan Muqdisho iyo Meelo kale oo ay odhan doonaan Soomaaliya ayaanu la soo hadlaynaa.

Dr Bulxan oo ah Aqoonyahan aan Sharaf iyo Qadarinba u hayo kuma raacsani inuu qaato oo uu keligii Xambaarto Qadiyada Somaliland oo ay Dadweynaha reer Somaliland u Xil saarteen Xukuumada Somaliland oo kaliya.

Waxay ahayd bishii May ee Sanadkii 2017 markii uu Dr Bulxan uu damcay inuu Muqdisho tago oo uu kaga qaybgalo doodo tan Jabuuti
U eekaa, laakiin Xukuumada Somaliland ee wakhtigaasi jirtay ay ka joojisay.

Ugu danbayn Qaranimada Somaliland maaha mid cid loo baryayo, mana aha mid baryo lagu helay ee waa Qadiyad ay u dhinteen boqolaal kun oo geesi, imikana ay diyaar u yihiin inay u dhintaan haddii loo baahdo. In Somaliland iyo Soomaaliya ay wada-hadlaan oo si siman oo talantaalli ah danahooda uga wadahadlaan waa mid labada dhinacba dan u ah. Laakiin haddii ay Soomaaliya ka warwareegto waa wax iyada u xun oo kollayba ay ku qasban tahay inay Somaliland miis la fadhiisto ha dhawaato ama ha dheeraatee.

Somaliland ha Guulaysto

Amb  Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Wasiir ku  Xigeenkii hore ee Wasaarada Arrimaha Debada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso