Maraykanka oo qorsheynaya inuu Ciidankiisa kala baxo Afghanistaan

Maamulka Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa Wasaaradda difaaca ka codsaday in ay diyaariyaan qorshe Ciidanka ka jooga Afghanistaan ay kaga soo qaadaan, sida ay Saraakiil ku dhow dhow Aqalka Cad u sheegeen NBC News.

Qorshahan Ciidanka lagaga soo saarayo Afghanistaan ayaa la amray inuu hirgalo horraanta billoowga Sanadka cusub, iyadoo maamulka Trump, uusan dejin Qorshe beddel u ah tallaabadan, sida ay sheegeen xogaha Warkan laga soo xigtay.

Maalin ka hor ayay ahayd markii uu Madaxweyne Donald Trump sheegay inuu Ciidnka Millieriga ee maamulkiisa ka jooga Dalka Suuriya uu kala bixi doono, taasoo keentay inuu Wasiirkiisii difaaca , Jim Mattis ku dhowaaqo is casilaad.

Maraykanka waxaa Dalka Afghanistaan ka jooga iminka 7000 Askari, kuwaas oo ka howl-gala Gobollo badan, iyagoo tababarro iyo taakulayno kale siiya Ciidamada Dalka Afgaanistaan oo dagaal kula jira Ururrada Taliban iyo Daacish.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso