“Shirkii Jabuuti Wuxuu Ahaa Meelaha Aynu Qadiyadda Somaliland Ku Iibin Karaynay, Laakiin Kuwii Innooga Qayb-Galay wey…..”

“Shirkii Jabuuti Wuxuu Ahaa Meelaha Aynu Qadiyadda Somaliland Ku Iibin Karaynay, Laakiin Kuwii Innooga Qayb-Galay wey Xishoonayeen, Qaarna Way Baryootamayeen”

 

Faysal Cali Waraabe Oo ka  Hadlay Shirkii Shanta Soomaaliyeed uga qabsoomay dalka Djibouti

“Mandaqada Waxaa Immika Ka Socda Isbadal Wayn, Isbadalkaas Inkastoo Dadka Wada Ay Laab La Kac Ka Tahay, Haddana Waa Aragti Haddaynu Soomaali Nahay Aynu Saamayn Waynu Ku Leennahay”

Hargeysa (Togaherer)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe  ayaa ka hadlay farriintii uu xambaarsanaa shirkii toddobaadkan dalka Jabuuti ay isugu yimaadeen aqoonyahanno iyo siyaasiyiin ka soo kala jeeda dhulka Soomaalidu ku  dhaqantahay ama wixii la isku odhan jiray shanta Soomaaliyeed. Faysal Cali Waraabe oo maalintii shalay khudbad ka jeediyey xaflad qalinjabineed oo Hargeysa ka dhacday waxaa uu si gaar ah u naqdiyey xubnihii shirkaas ka qayb galay ee matalayay ama ku hadlay Dalkan Somaliland oo uu ku tilmaamay kuwo mawqifkoodu  marti u ahaa dhigooda koonfurta Soomaaliya ka socday. Faysal oougu horeyn ka hadlaya isbadallada ka socda geeska waxaa  uu yidhi

“mandaqada geeska waxaa immika ka socda isbadal wayn, isbadalkaas inkastoo dadka wadaa aanu dhulkoodu ahayn mid degen ee ay laab la kac ka tahay, haddana waa aragti mar uun iman doonta, waliba saamayn waynna waynu ku leennahay haddaynu soomaali nahay, waayo waad ogtihiin oo soomaali meel ay joogtaba manta dad midaysan maaha. Innaga [Somaliland] iyo dawladda Jabuuti ayay tahay inaynu aad u ilaalino arrinta ay wadaan dadka ka socda maamulka muqdisho ee labada sanno u hadhsan yahay “. Sidaas ayuu yidhi Eng. Faysal, waxaana uu iintaas ku ladhay isaga oo ka  hadlaya shirkii toddobaadkan ka socday dalkaas Jabuuti ee lagaga doodayay saamaynta ay isbadallada geeska ka socdaa ku yeellan karaan Soomaalida. Waxana uu yidhi “shir baa ka socday Jabuuti la yidhi shanta soomaaliyeed aqoonyahannadoodii baa isu yimi waana meellaha aynu qaddiyadeena ku iibin karno, shirkaas Jabuuti ka dhacay oo kale haddii aynu dalkeena ku qabano  oo aynu dadkeena tusno kiiskeena  oo aynu si fiican u daafacno innaga oo soomaalida geeska  ka iibinayna qadiyadeena  dee ceeb innaguma aha. Laakiin dee shalay markay kuweenu hadlayeen [xubnihii Somaliland uga qayb galay] way xishoonayeen, laakiin dee qadiyadaada lagama xishoodo, qaarna way baryootamayeen,  waxaase loo baahan yahay inaynu ogaano in meelahaasi oo kale ay yihiin meellaha aynu qaddiyadeena ku iib gayn karno”. Ayuu yidhi Faysal cali Waraabe.

Advertisement

Ku Xayeysiiso