BAAQ Ku: Socda Madaxweynaha Jsl   Mudane Muse Bixi Cabdi W/Q. Shaafici Maxamud Cige

     BAAQ

Ku: Socda Madaxweynaha Jsl  

Mudane Muse Bixi Cabdi

W/Q. Shaafici Maxamud Cige

**************        ************      **********

Exif_JPEG_420


Mudane madaxweyne waxaan jeclaystay maanta inan BAAQ hawada kusoo mariyo baaqas oo igu dhashay ka dib socdaalkii aad ugu baxday gobolada bariga Somaliland safarkan oo ahaa mid loo baahnaa isla markaana bulshadda inteeda badani u arkayeen ama u bixiyeen safarkii #Mideeye .

Safarkii Mideeye kadib waxaad soo heshay xog rasmi ah oo Ku saabsan shacabkaga Ku nool dhamaan deegaanada aad u kuur gashay 

Xogtaas oo kugu caawin doonta Halka wax ka qabashada u baahan iyo Halka aan u baahnayn.

Mudane madaxweyne Safarkii dheeraa ee Mideeye ka dib waxa shacabka reer Somaliland hadal hayaan isku shaandhayn culus oo guud ahaanba xukumadada ah, isku shaandhayntas la hadal hayo ayaa waxa shacabku isla dhex marayaan inay Ku jiraan xilal baad ah oo lagu qaboojinayo beel gaara.

Mudane madaxweyne sidoo kale waxa laysla dhex marayaa inay noqonayso isku shaandhayntii ugu cadaaladda badnayd, ee ay shacbiga reer Somaliland iska wadda dhex arki lahaayeen. 

Sidaa daraadeed

Mudane Madaxweyne waxaan kugu baaqayaa inay xubnaha cusub ee xukumadadu noqdaan kuwo aad kasoo xushay Xisbiga Kulmiye , waliba dadkii sida aadka ahaa kuula soo halgamay maalmihii adkaa ee hayb sashada kursiga ugu sareeya wadanka .

Sidoo kale waxaan kugu baaqayaa xubnaha aad u magacaabayso beesha #Garxejis inay noqdaan kuwo ka tirsanaa xisbiga kulmiye isla markaana kula soo halgamay maalmihii adkaa , sidoo kale mudane madaxweyne waxaan Ku xasuusinayaa inaad #Garxejis laftiisa si siman wax ugu qaybiso.

Mudane madaxweyne ugu dambayntii waxaan Ku xasuusinaya inaad dhab maroodi Ku fadhido cidina aanay Ku sanqan Karin , cago juglayn Karin, Ku dhibi Karin waxna aanay Ku yeeli Karin.

                          Allah Mahad Leh

Advertisement

Ku Xayeysiiso