Ma isu soo dhawaanayaan madaxda khilaafka uu ka dhaxeeyo ee Soomaaliya?

Ma isu soo dhawaanayaan madaxda khilaafka uu ka dhaxeeyo ee Soomaaliya?

Muqdisho (Togaherer)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre oo xalay ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee haatan ka taagan Soomaaliya.

Kullanka labadan mas’uul ayaa yimid kadib markii gudoomiye Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Mursal uu sheegay in mooshinkii laga gudbiyay Madaxweynaha uu wali taagan yahay.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn waxa ay isla garteen ayaa hadana wakaaladad wararka ee Dowladda Federaalka ee SONNA waxaa ay baahisay in Ra’iisal wasaaraha iyo Guddoomiye Mursal ay isku fahmeen dhameynta xaaladaha hadda jira.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Ra’iisal wasaaraha ayay SONNA sheegtay in ay ka wada hadleen xoojinta wada shaqeynta Laamaha Sharci dajinta iyo Fulinta.

Qaar kamid ah dadka fallanqeeya arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya ayaa aaminsan in kullankii dhexmaray Ra’iisal wasaare Kheyre iyo Guddoomiye Mursal uu yahay bilaw wanaagsan oo lagu soo afjari karo khilaafka haatan taagan.

” Tallaabada uu Ra’iisal wasaaraha kula kulmay gudoomiyaha waa mid wanaagsan, maxaa yeelay in uu la kulmo Guddoomiyaha oo ay dhamestaan wixii khilaaf ah ee jira waa arrin loo baahanyahay”.Sidaa waxaa yidhi Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

Kullankan ayaa la sheegay in uu ka dhacay dhismaha wasaaradda waxabarashada eee Muqdisho kadib markii Guddoomiyaha uu ka guuray hoygiisi madaxtooyada ee uu degenaa.

Walaaca guddoomiye Mursal

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo dhawaan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa xadhiga Sheekh Mukhtar Robow oo Dowladda Federaalka ay ka soo xidhay magaalada Baydhabo ku tilmaamay mid ”sharci darro ah”.

Mursal ayaa sidoo kale guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed ugu baaqay in doorashada dib loo dhigo, inta laga helayo jawi xasiloon oo ay ku qabsoomi karto.

Gudoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen oo ku kala qeybsamayay mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Farmaajo ayaan la ogeyn halka uu ku dambeyn doono, waxaana sidoo kale aan kala cadeyn in wax heshiis ah ay gaadheen Ra’iisal wasaaraha iyo Guddoomiayaha.

Caqabadaha ku hareereysan Dowladda Federaalka

Xildhibaano aan la garaneyn tiradooda oo katirsan golaha shacabka ayaa gudoonka barlamaanka u gudbiyay mooshin ka dhan ah madaxweynaha oo ay ku eedeeyeen in uu baal-maray dastuurka, waxaana taasi ka dambeeyay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay doorashada Koonfur Galbed, kadib markii Dowladda ay magaalada Baydhabo kasoo qabatay Mukhtaar Robow Abuu Mansuur oo ay sheegtay in uusan ka soo bixin shuruudihii lala galay markii uu isa soo dhiibay, sidaas awgeedna aan la aamini karin.

Xadhiga Mukhtar Robow ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha golaha shacabka iyo xildhibaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed, kuwaasi oo sheegay in Mukhatr loo oggolaado doorashada, dibna loogu celiyo Baydhabo.

Khilaafka Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka oo isna in muddo ah soo jiitamayay ayaa sidoo kale qeyb ka ah culeyska heysta Dowladda.

 

Source: BBC Somali

Advertisement

Ku Xayeysiiso