Haweeneey u dhalatay Dalka Yemen oo loo diiday inay booqato Wiilkeeda oo ku xanuunsanaya Mareykanka

Ehellada Haweeyey Yemaniyad ah oo uu Wiiilkeeda ku xanuusanayo Isbitaal ku yaal Gobolka Kaliforniya ee Dalka Maryeykanka ayaa la sheegay in Dowlada Mareykanka ay u diidday Fiisaha Dal ku galka, si ay u booqato Wiilkeeda .

Qoyska Haweynadan ayaa caddeeyay in tallaabadaasi ay la xidhiidho go’aan ka mamnuucaya fiisaha Dalka ku galka Maraykanka oo uu hore Madaxweyne Donald Trump u saaray muwaadiniinta qaar ka mid ah Dalalka Carbeed , oo ay Yemanna ka mid tahay.

Cabdalla Xasan oo Laba Sana ah, ayay Dhaqaatiirta la tacaalaysa ka deyrinayaan xaaladdiisa Caafimaad, iyagoo sheegay in ay adag tahay inuu ka badbaado xanuunka haya oo ah xagga Maskaxda.

Qoyska Cabdalla Xasan, ayaa sheegay in Hooyada dhashay ay rajeyneyso in mar uun ay nolol ku aragto Wiilkleeda, ka hor inta Dhaqaatiirtu aysan ka siibin qalabka neefsashada oo iminka sudhan , waxayna intaa raaciyeen in tallaabada Haweeneydani loogu diiday Fiisaha ay la xidhiidho go’aan hore uu Madaxweyne Trumo, Dalkiisa kaga mamnuucay inay galaan muwaaddiniinta ka soo jeedda qaar ka mid ah Waddamada Carbeed ee Bariga dhexe.

  

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso