Boliiska Talyaaniga oo Xabsiga dhigay Wiil Soomaali ah oo looga shakiyay Argagixisanimo

Boliiska Dalka Talyaaniga ayaa Isniintii Shalay Xabsiga dhigay, Cumar Moshin Ibraahim, oo 20 Jir ah, kana soo jeeda Soomaaliya, markii lagu eedeeyay inuu Gacan saar la leeyahay Ururka Daacish ama ISIS.

Cumar, oo ka shaqaynayay Shirkad qaabbilsan Nadaafadda, ayaa la sheegay inuu ku hanjabay in weerar Bam uu ku qaadayo Kaniisadaha Dalka Talyaaniga, gaar ahaan midda Mad-habta Vatican-ka Khamiistii.

Boliiska Talyaaniga ayaa sheegay, in Ninkani uu la dhacsanaa weerar dhawaan ka dhacay Suuq ay u badan yihiin Kiristanka oo ku yaalla Magaalada Paris ee Dalka Faransiiska, halkaas oo ay ku dhinteen Shan Qof, falkaas oo ay sheegatay Daacish, waxanay sidoo kale sheegeen inay ku raadjoogeen Mr, Ibrahim, muddo Bil ka badan.

Boliiska ayaa sidoo kale sheegay in Ninkani uu xidhiidh xagga baraha Bulshada la lahaa, Anas Khalil, oo ah xubin ka tirsan Daacish, isagoo adeegsan jiray Magaca Yuusuf, wuxuuna Dalka Talyaaniga tagay Sanaddii 2016-kii.

Waxaa la adkeeyay ammaanka Kaniisadaha Magaalada Roma, gaar ahaan tan Mad-habta Vatikan-ka, maaddaama lagu guda jira Maalmaha Ciidda Kirismas-ka, iyadoo Dadkana lagu baraarujiyay inay feejignaadaan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso