W/Kuuriya oo ka jawaab celisay xayiraad uu Mareykanka ku soo rogay saraakiil Pyongyang ka tirsan

Iyadoo xukuumadda Washington ay xayiraad ku soo sogtay saraakiil sar sare oo ka tirsan Pyongyang ayaa jawaab kulul waxaa ay ka soo baxaysaa Kuuriyada Waqooyi oo ka walaacsan go’aanka Mareykanka.

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa waxaa ay soo saartay digniino ku aadan xayiraada Mareykanka,iyadoo sheegtay in ay saameyn doonto arrimaha la xidiidha barnaamijkeeda Nuclearka ah.

Madaxweynaha Mareykanka Donalda Jey Trump ayaa ayaa cunqabatayn cusub ku soo rogay 3 saraakiil oo ka tirsan Xukuumadda Pyongyang,wuxuuna wacad ku maray Mareykanku in ay xannibi doonaan hantida Choe Ryong-hae, oo ah nin ay si aad ah isugu dhaw yihiin Kim Jong Un,wasiirka amniga Jong Kyong-thaek iyo sarkaalka dhanka dacaayadaha u qaabilsan Dowladda Dalkaasi Kuuriyada Waqooyi Pak Kwang-ho,taasi oo sare u qaadi karta khilaaf diplomaasiyadeed labada dhinac.

Dowladda mareykanka aya arrintani ku sababaysay kadib markii Kuuriyada Waqooyi ay xanibaad ku soo rogtay dad daawaday aflaan cusub oo ajinabi ah,balse Xukuumadda Pyongyang ayaa sheegaysa in Mareykanka uusan ku qasbi Karin in ay wax ka bedesho barnamijkeeda Nuclearka ah.

Kim Jong Unoo ah hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya iyo Madaxweyne Trump ayaa dhawaan kulan ay wad qaateen ayaa kala saxiixday heshiisyo,kuwaasi aan la faah faahin ujeedkooda,taasi oo u muuqata mid aan weli waxba soo kordhinin.

Advertisement

Ku Xayeysiiso