Qaramada Midoobay oo rajo ka muujisay wada hadallada u socda Dowladda Morooko iyo jabhadda Bolisaariyo

Ergeyga Qaramada midoobay u qaabbilsan Saxaraha Galbeed ee Dalka Morooko, Horst Koehler,  ayaa raja wanaagsan ka muujiyay wada xaajoodka nabadeed ee u dhexeeya Jabhadda Bolisaariyo iyo xukuumadda Rabbaat.

Kulanka lagu dhex-dhexaadinayay dhinacyadaasi, oo ka dhacay Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland, ayaa waxaa ka qayb galay, Wasiirrada arrimaha dibedda ee Dalalka Marooko , Aljeeriya iyo Murutaaniya .

Mr, Koehler, ayaa sheegay in isu soo dhawaashaha Labada dhinac ay abuureyso yididiilo lagu soo Af-jari karo xasaradaha muddada dheer ka aloosnaa Dhulka Saxaraha Galbeed ee Dalka Morooko.

Horst Koehler, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay inay Ergooyinka kulanka ka qayb galay isla gaadhaan is faham iyo sidii loo sii wadi lahaa wada hadallada, waxanay dhinacyada isku raaceen in dib loo kulmo Sanadda 2019-ka.

Wasiirka arrimaha Dibedda ee Dalka Morooko , Nasser Bourita, ayaa bogaadiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay inayan intaasi ku filnayn, loona baahan yahay in marar kale ka kulmo.

Dhulka Saxaraha Galbeed ee dhaca xadka kala qaybiya Morooko, Muritaaniya iyo Aljeeriya, ayaa waxaa muddo ka badan rubac Qarni ku muransanaa Waddamadaasi laysku yidhaahdo Maqrib ee Galbeedka Afrika.

Jabhadda xornima-doonka ee Western Saharan Polisario movement, oo kaalmo ka heleysa qaar ka mid ah Waddamada Galbeedka Afrika , ayaa halgan Hubeysan kula jirtay Dowladda Marooko oo xoog kula wareegtay inta badan Dhulka lagu muransan yahay.

Qaramada Midoobay ayaa soo fara gelisay Sanadddii 1991-kii, iyadoo halkaasi ka hirgelisay Xabbad joojin, si Shacabka Saxraawiyiinta ee Galbeedka Dalka Marooko looga qaado afti ku aaddan Madaxbannaanidooda, balse weli ma dhicin.

Advertisement

Ku Xayeysiiso