FBI-Da Mareykan oo sheegtay in ay cadeymo ka heleen qof 90 qof dil u geystay

War ay soo saartay Waaxda dambi-baadhista Mareykanka ee FBI-da ayaa lagu sheegay in ay aaminsanyihiin in Samuel Little, oo 78 jir ah uu ka mid yahay dadka dilalka ugu badan geystay ee lagu xusi karo taariikhda dalkaas,kadib markii uu shaqsi ahaantiisa qirtay in uu dilay ilaa 90 qof oo,waxaana dilalkaasi ay dhacayeen muddo 40 san gudohooda qeybo kamid ah dalkaasi Mareykanka.

Saraakiisha laamaha Dambi-baadheyaasha Mareykanka ayaa sheegaya iney ilaa hadda xaqiijiyeen in ninkan uu ka dambeeyay 34 dil islamarkaana ay ku howlan yihiin sidii ay u soo saari lahaayeen kuwo kale,waxaana falalkaasi la sheegay in ay dhacayeen laga soo bilaabo 1970 ilaa 2005tii,taasi oo noqotay arrin mucjiso ah oo ay dadku layaaban yihiin.

Ninkan 78 jir ah oo lagu magacaabo Samuel Little Little ayaa waxaa uu haatan qaadanayaa xukun xabsi daa’in ah,kaasi oo lagu xukumaya sanadka markuu ahaa 2014kii xiligaasi oo lagu heley in uu dilay 3 haween ah.

Laamaha ammaanka Mareykanka ayaa Samuel Little gacanta ku soo dhigay sandkii 2012 ilaa xiligaasina uu xabsiga kujiray,xiligaasi oo loo soo qabtay arrimo ay kamid yihiin ka ganacsiga Maandooriyaha.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in baadhitaano la xidhiidha dhanka DNA ay sahashey in cadeymo loo helo dialal qorsheysan oo la la’sanaa cidda ka dambeysay,waxaana falalkaasi ay dheceen intii u dhexeysay sanadkii 1987 ilaa 1989,waxaana 3 haween ah la sheegay in dilkoodi loo adeegsaday marka hore jidhdil kadibna meydadkoodi lagu tuurey meel qashin ah.

Wuxuu ku cataabay inuusan dambi galin, balse waxaa ugu dambeyntii lagu riday saddex xukun oo xabsi daa’in ah oo is daba socda, isagoo aan wax fursad ahna u heli doonin in cafis loo fidiyo.

FBI-Da Mareykanka ayaa xaqiijisay in ninkaasi Samuel Little uu falalka dilalka ah uu ka geysan jiray Gobolada California iyo Maryland,isagoo u gu dambeyntii qirtay in uu dil u geystay ilaa 90 qof oo Mareykanka ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso