“Mudane Madaxweyne kusoo dhawow gurigii Aabbeyaasha, awooweyaasha, ayeeyooyinka iyo Hooyooyinka, kusoo dhawow gobolkii khayraadka, faleenka iyo xabbagta, badda iyo buuraha, beeraha iyo xoolaha, macdanta iyo dahabka, waa gobol barayksan oo wixii Afsoomaaliga ku hadla intooda ugu badani ka tafiirmeen.” Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur

Maayarka magaalada Ceerigaabo, Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur oo la hadlay shacabkii isugu soo baxay soo dhaweynta madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa ku dheeraaday taariikhda mugga weyn ee gobolka Sanaag, madaxweynahana gobolka kusoo dhaweeyey, waxana uu yidhi, “Mudane Madaxweyne kusoo dhawow gurigii Aabbeyaasha, awooweyaasha, ayeeyooyinka iyo Hooyooyinka, kusoo dhawow gobolkii khayraadka, faleenka iyo xabbagta, badda iyo buuraha, beeraha iyo xoolaha, macdanta iyo dahabka, waa gobol barayksan oo wixii Afsoomaaliga ku hadla intooda ugu badani ka tafiirmeen.”

Advertisement

Ku Xayeysiiso