“Ma Xuma” ?? !! Sheeko Xigmadaysan

“Ma Xuma”  ?? !!

 

Waa Sheeko Tusaale u Ah Erayada aan Fiicnayn ee Hal-Haysaha u noqday umada Somalida

<………………Qalinkii Cabdiwali Cali Ismaaciil ……..………………>

Beri Ayaa waxa uu Nin oday oo Qabaa’ilada Somalida midkood ka soo jeeda ayaa waxa hal hays u lahaa Erayga (MA XUMA) hada sheeko kasta oo uu maqlo waxa hadalkiisa ku jirta ama uu ku jawaaba waa Erayga ma Xuma’Qofba arin u sheegay waxa uu leeyahay ma xuma mid kale ayaa war farxadleh u sheegay waxa uu ugu jawaabayaa Ma Xuma mid kale ayaa war Xun u sheegaya xata hadu doono ku odhanaaya Aabahay ama qof ehelkay Ah ayaa Geeriyooday Ninkan odayga Ah isagu wuxuumbu soo qadimayaa Eraygan kor ku Qoran.

CAJAB: wuxu ninkii odayga ahaa Eraygaasi ka laalaadoba maalinkii dambe isaga oo Rag ay Saaxiib ahaayeen Geed hoostii ay ku wada shaxayaan ayaa Nin ay isku deegaan ahaayeen oo Ordayaa la soo Joogsaday Geedkii ay ku hoos Shaxaayeen ninkii odayga ahaa iyo Ragii Kale Saa waxa uu yidhi inta uu magac dhabay ninkii Hal hayta MA XUMA ku Caan Bay magaciisa isaga oo Ninkii odayga ahaa aan xata sare u fiirin Ninkan la hadlaaya ee warka doonaaya in uu u sheego waxa uu foorarka ku dhex martay doodan.

Ninkii Warka waday “Waaryaahe Hebel Hebel” ?

Odaygii “Adeer Waan Ku Maqlayaa Maxa Jiray” ?

Ninkii Warka waday “Aw-hebel Hbeloow adiguna halkan ayaad Iskaga Shaxaysaa Inantaadii Heblaayana iyada oo Adhigii la Joogtay ayaa Nin KUFSADAY “

Markii intaasi Hadalku maraayo ee odaygiina aanay wali Wax jawaab ahi ka soo bixin ee ay Fidhi wali ku go’an tahay.

Ayaa Nin kale oo ay Odayga saaxiibyihiin kana mid ahaa ragii Geedka Shaxda kula ciyaarayey waxa uu ninkii warka dhiilada Ah u sheegay ugu jawaabay “MA XUMA”

Ka dib Ninkii odayga ahaa inta uu Fadhigii Cirka uga booday oo Budh wayn oo uu la haa oo agtiisa u yaalay inta uu la Booday.

KUYE “Yaaa Yaaa Maxaad Tiri Alyelehe ay XUN TAHAY oo Ay Waliba XAAR Leedahay” ayuu yidhi isaga oo cadho jiq Ah oo laga qaban kari la yahay oo doonaaya in uu ku Budheeyo Ninka yidhi Eraygii isagii Looga taag waayay *kkkkkk????

Somalidu waa ku caan Erayo badan oo Hal haysyo aan fiicnayn Ah oo qofka carabku uun uu kaga dhego balse Dambaab iyo Khasaare aanay magasin oo Xun ay marka dambe ka macaasho qofka Erayga aan fiicnayn hal ku dhig u noqdo waana tii hore Somalidu u tidhi Xigmadii ahayd “ALLE Eray Gef waa ka Keena Kaaagamase Tago” Waa Xigmad dhaxal gala oo Ninkan waxa ku dhacay ayaa inoo tusaale cad ah.

Ugu dambeyntii Hadaba akhristoow bal adiga laftaadu wllo isqiimee kolay Kelmad aad ka shalayn doonto waa suurto gal in Carabkaaga had iyo Jeer ay ku dhegsan tahay Erayga fiican ogoow.

Mahadsanidin.

Qalinkii Cabdiwali Cali Ismaaciil 

Attachments area

Advertisement

Ku Xayeysiiso