Mali : duqeyn cirka ah oo lagu dilay sarkaal ka tirsan Jamaaca al-Nusra

Sarkaal sare oo xubin ka ah kooxda hubeysan ee Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM) ayaa lagu dilay duqeyn xagga cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada dalka faransiska ee jooga dalka Mali, sida ay ku warameen ciidamada dalkaasi.

Afhayeen u hadlay ciidamada Colonel Diarran Kone ayaa sheegay in howlgal wadajir ah lagu dilay Amadou Koufa oo xubin ka ah kooxda Jamaaca al-Nusra.

General Abdoulaye Cisse ayaa wakaaladda Wararka ee AFP shalay u sheegay in Koufa lagu dilay howdka deegaanka Wagadou ee dalka Mali,wuxuuna intaa raaciyay in sarkaalkaasi uu u dhintay dhaawac soo gaadhay.

Amadou Koufa waxa uu ka mid ahaa ragga sare ee hoggaamiya kooxaha ka dagaalama dalka mali,waxaana bishii September, Waaxda Arimshs Dibadda ee dalka Mareykanka ay Jamaacadaasi ku shaabadeysay in ay ka mid yihiin ururada argagixisada dibadda.

Advertisement

Ku Xayeysiiso