Ciidamo xidhay wadaad ka dambeeya bannaan-baxyo ka dhacaya Pakistan

Maas’uuliyiinta dalka bakistan yaa xabsiga dhigay hogaamiye diineed ka dambeeyay bannaan baxyo looga horjeeday hawweeneey kirishtaan ah oo maxkamadda dalkaasi ay ku weyday dambigii loo heystay oo la xidhiidhay  aflagaado dhinaca diimta Islaamka.

Wiilka uu dhalay hoggaamiyahaasi oo lagu magacaabo  Khadim Hussain Rizvi, aya sheegay in aabihii lala tagay Jimcihii waqti habeen ah,ka dib markii la soo weeraray xarun dugsi diimeed oo uu ku lahaa Bariga magaalada Lahore.

Hadal ay soo saareen xisbigaasi Tehreek-e-Labbaik (TLP) ayeey ku sheegeen in  Rizvi lala xidhay tiro ka mid ah taageerayaashiisa,sida ay ku warantay Wakaaladda wararka Associated Press .

Wasiirka Warfaafinta dalka Bakistan Fawad Chaudhry ayaa sheegay in Rizvi la geeyay xabsi ammaan ah,isla markaana loo wareejiyay guriga martida.

Rizvi oo ah hoggaamiyaha garabka midig  ee xisbiga (TLP)  ayaa ugu baaqay  taageerayaashiisa in ay maalinimada Axadda ahay magaalada Islamabad ku qabtaan dibad baxyo.

Advertisement

Ku Xayeysiiso