Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu Hoggaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeyey Degmada Wadaamagoo

Wadaama-goo-23-11-2018-(ToggaHerer)-Shacab-weynaha ku dhaqan degmada Wadaama Goo ee gobolka Saraar, ayaa si ballaadhan usoo dhaweeyey wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Guud ahaanba shacabka ku dhaqan degamada Wadaama Goo oo isugu jira madaxda dhaqanka, aqoonyahanka, dhallinyarada, haweenka iyo siyaasiyiinta, ayaan u kala hadhin soo dhaweynta madaxweynaha iyo weftigiisa, waxana ay muujiyeen taageerada luxdan ee ay u hayaan madaxweynaha iyo xukuumaddiisa.

Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa dadweynaha goob fagaare ah kala hadlay, waxana ay ka mahadceliyeen soo dhaweynta diirran ee lagu qaabilay, iyaga oo ku dhiirrigeliyey inay sii adkeeyaan is kaashiga iyo wax wada qabsiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isagu la hadlay shacabka ku dhaqan degmada Wadaama Goo, ayaa si kal iyo laab ah u bogaadiyey dadweynaha reer Wadaama Goo, waxana uu kula dardaarmay inay xoojiyaan ammaanka, kuna dedaalaan wax wada-qabsiga iyo is kaashiga.

Advertisement

Ku Xayeysiiso