Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Wasiir Hibo Leh Iyo Mid Shaqaale Ah (Qaybtii 40aad) By: Maxamed Xoosh

 

Madaxdu Marka Ay Cuganayaam Xukuumad Fulisa Barnaamijka Ay Rabaan Waxa Raadiyaan Wasiir Dabiqi Kara Qoraalka Loo Dhiibo  Iyagoon Waxna Ku Kordhin Waxna Ka Gaabin Se Waxa Jira Wasiir Intaa Dhaafiya Oo Weliba Wado Cusub U Jeexa Qorshaha Wasaaradisa Sidaa Ayay Ahaataa Ilaa Inta Laga Helayo Nin Hal Abuur Ah Oo dhaqaajin Kara Waa Sunaha Nolosha …

 

Wasiiradu Waxay U Qaybsamaan Wasiir U Samaysan In Uu Shaqaale Ahaado Saxeexa Waraaqaha Kala Socod Siiya Shaqo Maalimeedka Sidaana Ku Dhamaysta Mudooyinka Xilka Uu Hayo, Waa Siday U Badan Yihiin Dadka Siyaasadda Soomaalida Soo Galaa Farsamo Yaqaan Mihnadiisaa Uun Ka Adag Waa Siday U Badan Yihiin Xukuumadaha Ay Shacabku Ka Cawdaan Xilil Waloo la Joogo

 

 

Iyo Wasiir Hal-abuur Ah Ilaahay Hibo U Siiyay Isaguna Ku Dedaalay In Hibadiisa Adeegsado Waa Wasiirka Dhaqaajiya Xukuumadaha Waa Nin Argti Dheer Leh Madaxweynayaashu Wey Ku Nastaan Balse Ma Jecla Waayo Magaca Iyo Guusha Wuu La Qaybsadaa Madaxweynaha, Wasiirkani Cudurada Bulshada Haya Iyo Xalkeedaba Wuu Hayaa Waa Nin Daacad Ah Ama Doonaaya Guul Shakhsi Ah Sidaa Awgeed Ama Dibada Ayaa La Dhigaa Ama Wuxuu Noqdaa Nin Siday Bulshadu Doonaysa Yeela Wax Badan Oo Qaloocan Ka Aamusa

 

 

Madaxweyne Muuse Horaantii Ayuu Barnaamij Ku Ololeeyay U Badan Dhaqaale Kobcin Iyo In La Isku Hayo Inta Yar Ee Gacanta Ku Qabatay Dhaqaalihii Dalka Iyo Inta Badan Ee Cidla Ka Taagan FILE Ka Ugu Khatarsan Ee Wadanka Horyaalaana Waa Nidaamin Iyo Kobcin Iyo Tiro Koob Iyo Buuxin Adeega Dawladnimadda Ee Dalka Waxaynu Nahay Wadan Priveta Sector ku Ka Hor Koray Dawladnimada Waa In La Isku Soo Celiyaa Oo Qolo Walba Awoodaheeda Qaadataa

 

 

Madaxweynuhu Wuxuu U Doortay Xukuumada Wasiiro Shaqaale Ah Oo Wixii Loo Diro Mooyee Aan Wax Hal-abuur Ah Lahayn Isna Uu Ku Nasto “Waa Halka Dadweynuhu Ka Diidan Yihiin Qaar Badan”

 

Markaa Ka Hibada Lihi Xukuumadiisa Ha Sugo Inta Ay Dhalanayso Ceebna Uma Arko

 

 

Maxamed Xoosh

Advertisement

Ku Xayeysiiso