Xutiyiinta oo diyaar u ah xabbad joojin haddii Saudi & UAE ay doonayaan nabad

Hadal ay Kooxda  Xuutiyiinta dalka Yemen ay soo saareen maanta ayeey ku xaqiijiyeen in ay diyaar u yihiin xabad joojin baaxad leh,haddii isbaheysiga uu hogaamiyo Sacudiga ay doonayaan nabad.

Tallaabadaan ayaa timid ka dib kolkii isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacudiga ay amar ku bixiyeen in la joojiyo hujuumka ama weerarka ay ku hayaan Yemen,gaar ahaan dekedda Xudeyda oo ah bartilmaameed dagaal.

Cadaadis caalami ah ayaa la saaray Yemen,waxaana dhinacyada isku haya dalkaasi loogu digay in ay dhameeyaan dagaalada gallaaftay 10-kun oo ruux,isla markaana dalkaasi ku riixay in ay qarka u saarmaan macluul.

Mohammed Ali al-Houthi, oo ah madaxa kooxdaasi ee golaha sare ee kacaanka ayaa sheegay in ay aqbaleen codsiga Ergeyga Qaramada Midoobay ee Yemen,isla markaana ay diyaar u yihiin xabad joojin ,haddii dhinacyada kale ay iyaguna diyaar yihiin.

Advertisement

Ku Xayeysiiso