Danyartii iyo Da’yartii Dulmiga Dowladan yaa uga miciina

Danyartii iyo Da’yartii Dulmiga Dowladan yaa uga miciina

Shacab weynaha kunool Jamhuuriyada Somaliland 65% waa da’yar ,sidoo kale 95% waa danyar qaadaa ma dherge ah,iyada oo dalalka aduunka ugu saboolsan Somaliland ku jirto ayaa hadana Xukuumadu waxa ay u dhaqantaa ama ay u xeer dhigataa sidda wadamada horey u maray, waayo iyada oo xukuumadu ogsoon duruufaha ku gaddaaman shacabkeeda iyo baahida dalka ka jirta ayey talaabada ay qaado iyo xeerkey soo kordhisaa uu kuyey Ummada hagardaamo waxyeelo leh, maxaa yeelay halkii ay hoos u da’yi lahayd baahiyaha bulshada haysata falawgeedna qaban lahayd Siddii ay u dabaqi lahayd ama Siddii ay wax uga qaban lahayd ayey keentaa sharci ama xeer kadar oo dibi dhal ah.

Haddii aynu eegno baahiyaha jira ee ummada haysa iyo shuruucda ay dul dhigtay Waxa ka mid ah :-

BIYAHA, sidda aynu ogsoonayn nolashu waa biyaha, Somaliland-na baahi Weyn ayaa ka jirta dhanka biyaha guud ahaan xukuumaduna wey ogtahay in ay wax ka qabatana ma doonayso in shacabku wax ka qabtaan oo ay baahida bihaha haysata u tafo xaytaana ma ogola, waayo si badheedh cad ah waatii xukuumadu tidhi CIDI IDIIMA MAQNA CEELNA MA QODAN KARTAAN!!.

Oo ahayd cid biyaha dhulka ku hoos jira lasoo bixi kartaa ma jirto, se baliyo qota ama berkedo ama baco u DHIGTA roobka da’a. Taas oo ah meel kasta marka bali laga sameeyo GACAMO dhaadheer leh si deegaamo unabaad guuraan marka biyihii laga moosto ee kalyo looga samaysto ku horra xorfadaha la faadhfaadhay.

Hubaal wixii la hubo baa la hantaa, se xal maaha cirka eega dhulkana nabaad guuriya.

Iyana Waxa wax laga xumaado ah:-

XAYIRAADA, xayiraadan la xayiray tagsiilayaashii layidhi magaalada ha dhaafina waar ma GAADHI-XIMAARBAA, waa wax lala yaabo ah in muwaadin dalkiisii dhexdiisii dad hawkala qaadin lagu yidhaahdo iyo magaalo kale ciddii doonaysa ha gaynin waa wax laga xumaado, in kooto gaadiid gaara loogu xidho maaha xaq iyo xeer toona, waa in loosinaadaa suuqa oo muwaadin walba si siman uu uga shaqaysan karaa dalkiisa shaqsi iyo shirkadba oo loo kala eexan.

Waxa jira iyana in Da’yartii markii ay waxbarashadii dhamaysteen shaqo la’aantu ku habsatay halkii ay dawladu ugu arimin lahayd ee ay madhruucyo iskaa wax u qabso ah ama isboortis ugu mashquulin lahayd ay tidhi bandoo weeye cawayskii waa wax laga xumaado Aniga oo kasoo horjeeda Waxa diinta iyo Dhaqanka ku lidi ah hadii da’yarteenu ku kacdo hadana ruux dhalinyaro ah oo wax la’aani heyso oo seexanayaa oo soo toosaayaa oo wax qabanay waa dhibaato iyo tacab qasaar in dowladu qorshe keento weeye ay ku jihayso da’yarta.

Se haddii Dawladii Danyartii cuna qabateyso oo Da’yartiina dayacdo Dulmi weeye dowlad maaha taasi.

Wabilaahi tawfiiq

Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso