Turkiga oo sanadkan qaabilay 40 milyan oo dalxiisayaal ah

Dalxiisayaal tiradoodu gaadhayso 40 milyan oo qof oo ka kala socoda caalamka ayaa la sheegay in sanadkan ay booqdeen goobaha taariikhiga ah ee dalka Turkiga,waana tiradii ugu badneyd dalxiisayaal tiradaas gaadhaya oo ay tamashle ku tagaan dalka Turkiga.

Warku wuxuu intaa ku daray  in dalxiisayaashaasi ay soo geliyeen dalkaasi Turkiga lacag gaadhaysa 40 bilyan oo dollar waana qiyaastii ugu badneyd   oo ay Dowladda Turkiga ka hesho dalxiisayaasha.

Sanadihii ugu dambeeyay ayaa la sheegay in Dowlada Turkiga ay xoogga saartay dhiira gelinta dalxiisayaasha iyo iyo Suuqyo cusub oo ganacsi ay ka furatay dalal badan oo dunida ka tirsan sida dalka China,Thailand, Jaban iyo wadamada ku yaal Bariga fog.

Madaxa Wakaalada horumarinta  iyo socodaalka dalka Turkiga Anfin Shahin  ayaa sheegay in la saadilanayo in sanaadkan 2023 kuna beegan aasaasida jamhuuriyadda Turkiga ay  tirada daalxiisayaasha ajaanibta ee taga Turkiga ay gaadhaan 50 milynan dalxisayaal.

Advertisement

Ku Xayeysiiso