Iran oo Bakistaan ka caawineysa dagaalka ka dhanka ah argagixisada

Dowladda Iran ayaa sheegtay inay diyaar u tahay howlgal ka dhanka ah kooxaha argagixisada iney ka fuliso dalka Bakistaan.

“Anigoo ku hadlaya magaca Wasaaradda arrimaha dibada Iran iyo qofka mas’uulka ka ah Amniga Gudaha, waxaan ku dhawaaqayaa inaan diyaar u nahay in aan qaadno howlgallo goobaha ay argagixisadu ku sugan yihiin Pakistaan, oo ay ku jiraan kormeerka kooxda Pakistan iyo oggolaanshahooda, ayuu yidhi”Wasiirka Arrimaha Gudaha Abdol-Reza Rahmani Fazli.

Fazli wuxuu sheegay in hawlgallada noocan oo kale ah ay dhici doonaan “haddii loo baahdo, iyo haddii dhinaca Bakistaan suurta gal ka noqoto iney sabab kasta ku shaqeeyaan.

“Haddii aan diidnay inaan ka shaqeyno dhinaca kale ee xuduudaha illaa iyo hadda, waxay ahayd kaliya sababta waxaan dooneynay inaan xushmeyno madaxbanaanida Pakistaan,” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka arrimaha dibada Iran Rahmani-Fazli wuxuu sheegay in Iran iyo Bakistaan ay samayn karaan hawlgallo wadajir ah oo xuduuda ah,islamarkaan ay sameyn karaan iskaashi sirdoon.

Ugu danbeyntii, Xukuumadda Tehran ayaa sheegtay iney ka rajeyneyso Bakistan dhammeystirka iskaashiga xagga amniga xuduudaha iyo sidoo kale in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee dalka Bakistaan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso