Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Hogaamiyaha Xalka Haya (Qaybtii 39aad) By : Maxamed Xoosh

Marka Laga Hadlaayo Hogaamiye Siyaasi Ah Waa Eray Macno Yaal Farabadan Oo Culus Xambaarsan
Waxa Jira Aqoon La`aan Siyaasadeed Oo Shacabka Ka Haysta Qofka Xalka Haya

Qolo Waxay U Haystaa Aqoon Yahayn Dibad Jooga Professor Ninkan Waxa Ku Adkaada Sheegida Cudurada Bulshada Haya Dawadu Ha Danbaysee

Dadka Qaar Waxay U Haystaan In Wadaad Dadka Kale Oo Dhan Caaya Uu Hayo Xal, Waxa Ugu Badan Uu Sheegaa Waa Siyaasigu Wuu Xun Yahay Iyo Amarro Kaasi Waa Xalaal Iyo Xaraan Isagoo Xadiiskii Ka Boodaaya
“ أنتم أعلم بأمور دنياكم”
Indinkaa Og Arimaha Ku Saabsan Dunyadiina Oo Mance Fasiraad Badan Xambaarsan …

Dadka Badhkii Jabhad SNM Ah Ninka Mujaahidka Ahi Waa Run Wuu Uga Lexajeclo Badan Yahay Dalka Inta Kale Oo Dhan Balse Xalku Maaha Abaal Gaar Ah Ayaan Ku Leeyahay Dalkan Iidaaya Talada Dalka Waa Inuu La Yimaadaa Fagaaraha Wax Ka Iibsama Sida Madaxweynaha Oo Kale ….

Dadka Qaar Oday Dhaqameed Guurti Ah Waxa Hubaa In Uu Inta Kale Ku Dhaami Lahaa Talada Dalka Oo Hogaamiyenida Ugu Dhawyahay Balse Kuma Filna Aqoon Siyaasadeed Ayaa Ka Maqan

Qolo Ganacsade Ayay Jeclaystaan Iyagoo Leh Ninkani Ma Baahna Aragtidayda Waa Ninka Ugu Jaahilsan Xaga Talada Maanta Ninka Ganacsadaha ahi Xalkiisu Waa “Kala Danaysi”!!!

Qolqol Joog Dalka Aan Dhinac U Dhaafin Waa Qolooyinka Ugu Horeeya Ee Fashilma Kama Xishoodaan Musuqa Xiniya Una Dhiga Jalaafooyin Cidaha Kale Waa Kuwa Ugu Aragtida Gaaban Ee Tartan Gali Kara

Hogaamiyaha Xalka Hayaa Sifooyinka Aanu Soo Taxnay Oo Dhan Qoloba Qayb Ayuu Ka Shabahaa Waanu Ka Aragti Dheeryahay Ugana NAXARIIS Badan Dalka Iyo Dadka Aqoon Dheeraad Ah Ayuu U Leeyahay Dhaqanka , Arimaha Bulshada , Diinta , Ilbaxnimooyinka Wakhtigan Dunida Xukuma Sida Reer Galbeedka, Nafsi Ahaan Miisaaman “Baahi Iyo Cuqdado Ku Soo Korin” Waa MUHIIM Waxa Ragaa Ka Mid Ah AHN Hogaamiyaha Keliya Soo Maray Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal Oo Siyaasada Dalka Iyo Gudahaba Aqoon Dheeraad ah U Lahaa

Madaxweyne Muuse Biixi Intaanan Xukumin Waxaynu Eegi Doonaa Sawirka Weyn Oo Dusha Ka Muuqan Doona Oo Si Fiican U Soo Bixi Doona Dhawaan

Allaa Mahad Leh

Maxamed Xoosh

Advertisement

Ku Xayeysiiso