Madaxweyne Muuse Biixi: Shalay Iyo Maanta “Cigaalow Dadku Maanta……

Madaxweyne Muuse Biixi: Shalay Iyo Maanta “Cigaalow Dadku Maanta Waxay Ku Doodayaan Laba Arimood, Shir Beeleed Hala Qabto Iyo Dastuur Ayaynu Qaadanay,Ina Cigaalow Cidda Aad Isku Halaysnayso Garan Maayo”.

 

“Bari Waynu Ognahay Burco Iyo Laascaanood Halka Ay Marayso, Ma Hargeysa Oo Qudha Ayaa Dawlad Noqonaysa Oo Waliba Dhinac Ah, Mataasi Ayaynu Dawlad Ku Noqnaynaa Dhab Ah?”. Muuse Biixi.

Marka kale halkan Akhristayaashiisa ugu soo gudbinayaa Mid ka mid ah hadalladii ugu adkaa ee uu wakhti hore Madaxweynaha Hadda Talada Dalka hayaa Muuse Biixi Cabdi Ku Weeraray Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (IHU) isagoo markan ku dhaliilaya inuu taladii dalka keligii isku koobay oo aanu ciddna u joojinayn, Waxa uu sidoo kale ugu hanjabayaa in Haddii uu doorasho loo balansanaa uu qaban waayo aanu dalka jirayn ee ay xaaladi faraha ka haadi doonto, waxa kale oo uu ku dhaliilayaa in Goboladdii Bari Gacanta Somaliland kasii baxayaan, Marxuum Cigaalna talaadii dalka ku soo koobay Hargeysa oo waliba qayb kasii ah, waa sida uu  u dhigay hadaladiisan hoos ku qoran oo aanu ka qornay Khudbad uu wakhtigaasi jeediyay.

Akhriste bal waxa aad isla akhridaa Qaabka uu Madaxweyne Muuse Biixi oo wakhtigaa ahaa nin Mucaarad ahi ku dhaliilayay Marxuum  Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo qaabka ay hadda wax ujiraan ee ay Mucaaridku ku dhaliilayaan Muuse. Akhriste u fiirso oo isku macnayso kala duwanaanshiyaha Qaabka Hogaamineed ee uu Muuse hadda Dalka ku hagayo iyo inuu ka leexday wixii uu Shalay ku dhaliilayay Marxuum Cigaal ee uu ugu bootaynayay inaanay Somaliland jirayn haddii sidaa uu yeeli waayo. Waxa uu Cigaal ku dhaliilayaa markan in  taladii dalku Hargeysa ku soo ururtay islamarkaana uu taladii dalka isagu isku koobay oo uu ka baxay wadatashi iyo talo wadaaggii, balse maanta oo uu Muuse Biixi hogaanka dalka hayo Sidee ayay wax yihiin, waxaasi uu Cigaal wakhtigaasi ku dhaliili jiray cashar ma ka bartay mise Waxay u egtahay “Maroodigu takarta Fuushan ma arkee, ta kale ayuu arkaa”.

Muuse Biixi Cabdi oo saxaafadda kula hadlayay Magaalada Hargeysa Wakhti uu si adag uga soo horjeeday Hanaankii Hogaamineed Ee Marxuum Cigaal ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Maanta dadku waxay ku doodayaan laba arimood, shir qaran hala qabto iyo Dastuur ayaynu qaadanay,Distoor ayaynu qaadanay,inaynu doorasho galaabaa wanaagsan, iyada ayaa danteena ah, laakiin halbaa yaala, haddii ninkii Distoorka lagu aaminay uu yidhi aniga oo qudha ayaa wax ku fushanaya, haddii uu yidhi Distoor aniga dantayda oo qudha mooyee dan kale ma raacayo, dee ninka yidhaahda taasi ma soconayso maxaa lagu qabsan, Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal Xisbigii UDUB ayuu abuuray, talaabadii u horaysay ee UDUB ku dhaqaaqday Ciidan ayuu kaxaystay, isagoo Ciidan reer Hargaysa ah wata ayuu Burco tagay, Xoghaya Guud ee UDUB Waxa uu yidhi, ragga aan reer Burco ahaynin haka baxeen Burco, Maandeeq oo ah Jariiradii Dawladda ayaa soo qortay”.

Waxa kale oo ka mid ahaa hadaladiisa“Midda kale Bari waynu ognahay Burco iyo Laascaanood halka ay marayso maantanna Burco ayaynu tan ku samaynaynaa, Ma Hargeysa Oo Qudha ayaa dawlad noqonaysa oo waliba dhinac ah, mataasi ayaynu Dawlad ku noqnaynaa dhab ah. Nabaddu waxay ku imanaysaa marka la isqadariyo, Marka la ismaamuuso, Marka taladu meerto noqoto, “Rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi, Mase inaanu nahay oo talanna meerto noo tahay”, Suldaankaaga ayaan xidhayaa, oo siyaasigaaga ayaan xidhayaa,oo ninka illa hadla Taangi ayaan ku dalbanayaa oo Burco ninka aan xukumin haka baxo oo Dastuurbaan ku dhaqmayaa oo talo ayaan wadaagaynaa Somaliland kuma jirayso, yaan been la isku sheegin,Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaalow cidda aad isku halaynayso anigu magaranayo”.,

Isagoo kale waxa ka mid ahaa“Waxaan hadalkayga ku soo gunaanadayaa Somaliland ku dhismimayso Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo Yidhaahda Gar iyo gardaro ayaan ku soo baxayaa, Ciidanka aad dalbanayso iyo Tiknikada Xagee ayaad ka keentay, Ma ciidan ayaad Kenya iyo Raashiya kasoo iibsatay, Miyaanu ahay kii Faqash laga qabtay, Ciidanku Amar ayuu qabaa oo Halkii loo diro ayuu galaa ma noqonayso, Radio Hargeysa miyaanay Ceeb ku ahayn inay ka baxdo Heesta la yidhaa oo Waliba la iigu celceliyo “Toobiyaheena kii is hortaaga aan tooganee”, Maxamed Siyaad Barre ayaa lahaa, rag ayuu ku laayay, Wargeyska Maandeeq miyaanay Ceeb ku ahayn inay maalin walba caydo Goleyaasha Qaranka, Inna Cigaal Shalay ayaa la doortay Baritana wuu dhacayaa, Ninka Xukunka loo dhiibay ee Madaxweynaha ahi isagu waa inuu isagu xeerka iskaga bilaabaa ilaalintiisa, Meeshan waxaa muuqata awoodii la yidhi Dalka ku maamul ayaa u muuqata ninkii iga horyimaada ee Ray’yigaya diida waan cabudhinayaa oo xoog ayaan ku dhaqaajinayaa, taan diidayaa waa taas,waa in dawladda la ixtiraamaa, waa in Sharciyadda la dhawraa, waa in Dastuurka la illaaliyaa”.

Ugu dambayn waxa ka mid ahaa“Ha istaago ninka leh waan kaaga lexejeclo badanahay, Xagay joogeen ragga maanta waxaasi ku hadlayaa,ee Afkii Hanti wadaagga nagula wareegaalaysanaya,ee Islaamaha iyo Odayaasha ku leh Dal ayaa la burburinayaa, waa Tuug doonaysa inay Awoodda dalka ku haystaan, Ina Cigaalna ku jahawareeriyaan, kumana fadhiyayaan, runta ayaa la iskugu imanayaa”.

Source Foore

Advertisement

Ku Xayeysiiso