Xamaas oo sheegtay in ay kordhineyso Gantaalada haddii Israel aysan joojin duqeynta

Garabka hubeysan ee ururka Xamas ayaa sheegay in ay xoojinayaan weerarada iyo gantaalada rasaasta ah ee ay la beegsanayaan magaalooyinka Israeli ee Ashdod iyo Beersheba,haddii ay sii wadaan duqeymanka xagga cirka ah ee lagu hayo dadka Falastiin.

Ugu yaraan 5-falastiiniyiin ah ayaa ciidamada Israeli ay ku dileen weerarada cusub ee ay ka fuliyeen deegaanada ay go’doomiyeen, waana dagaaladii ugu xumaa ee dhexmara labada dhinac wixii ka dambeeyay sanadkii 2014-kii.

Rabshadahan ayaa daba jooga weeraro gaadmo ah oo ciidamada Isra’il ay ku dileen 8-ruux oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan ururka Xamaas

Xamaas ayaa ka digtay in ay kordhin doonto xowliga ama ridada  gantaalada rasaasta ah ee ay la beegsaneyso dhulka Yuhuudda.

In ku dhow 3-boqol oo gantaal ayaa xoogagga Xamaas ay la beegsadeen deegaanada Yuhuudda .

Advertisement

Ku Xayeysiiso