Sheeko xiiso leh: Soomaaligii koodhkiisii ayuu iibiyey, midkalena wuu soo iibsaday – Waa hees dhaqanka (folklore) Reer Kuwait ka mid ahaan jirtey.
W/Q Maxamuud Ismaaciil Barreh
Waxaa Reer Kuwait iyo Soomaalida ka dhaxaysa cilaaqad taariikhi ah oo soo jireen ah oo boqolaal sano gaadhaysa.
Reer Kuwait iyo dadka Khalijku guud ahaan intaan batroolka la soo saasarin waxay aad ugu xidhnaayeen badda madaama khayraadka kale ee dhulku yaraa. Waxay caan ku ahaayeen tijaaradda luulka تجارة اللؤلؤ) ). Waxay kale oo ku xidhnaayeen ooisaga gooshoori jireen xeebaha Soomaliyeed gaar ahaan Berbera oo xoolo u soo doonan jireen iyo khayraad kale.
Dadka Soomaliyeed laftoodu Kuwait way deganaayeen intii aan batroolka laga helin inkastaan la qiyasi karin cadka ay ahaayeen, laakiin kolay aan badnayn . Waxaase xidhiidhka ugu badnaa ka dhexeeyey dhinaca badda oo waxa la sheegaa doonyo ay Soomalidu lahayd oo Kuwait iman jirey iyo badmaxyo Soomaali ah oo doonyo Kuwaitiyiini leedahay la socon jiray.
Waxaa dadka da’da ah ee Reer Kuwait ka sheekaayaan ama ku duugan taariikhda Kuwait in ay caan ahaan jirtey hees ay ku heesi jireen markay caruurta ahaayeen oo ay ka barteen badmaaxyada reer Kuwait oo ah ta cinwaanka ku tilmaaman, Carabi ahaanna sidatan u qoran : الصومالى باع كوته وإشترى له كوت ثاني
Waxay yidhaahdaan qof Soomaali ah ama kuwa doonta la socda ha ahaado ama kuwa deggan Kuwait ha ahaadee ayaa koodh qudha lahaa oo waqtiga qaboobaha gashan jirey , kadib mar qudha ayuu koodhkii iibiyey isagoo mooday qaboobihii inuu baxay. Show qaboobihiiba ma bixine wuxuu ku hambabaray iyada oo ay qaboobe tahay, Wuxuu markaas u baahday koodhkale iyadoo koodhadhkana aan la helin oo ay qaali ahayeen. Waa qof gaadhi iibsaday oo kale qiimaha uu koodhku joogay waqtigaas.Waxay ku kaliftay qofkii Soomaaliga ahaa inuu koodhkale soo iibsado. Hees lagu ciyaaro oo ciyaaraha dhaqanka Kuwait ka mid ah ( Kuwait folklore) ayaa kadib ka abuurantay, waxayna arintu tilmaamaysaa nacasnimada.
Heesta oo reer Kuwait ku heesaan oo xittaa idaacadda laga sii daayo iyadoo sidii ciyaar ahaan loo qaado ayaa waxaa dhibsaday Soomaalidii Kuwait deganayd waqtigaas. Waxay codsadeen inay la kulmaan amirkii waqtigaas Kuwait xukumayey oo la odhan jirey Cabdalla Alsaalim Alsabaax markii ashkatooyinkoodii hore dheg loo dhigi waayey. Wuxuu xukumi jirey Kuwait 1950 ilaa 1965 , labana caddayn karo waqtiga ay Soomaalidu la kulmeen amiirka laakiin waa 15 sanaadood ee uu xukumayey gudahooda. Waxaa xusuus mudan inay Kuwait xornimada qaadatay waqtigii amirkaasu xukunka hayey sandaku markuu ahaa 1961. Amiirkii Soomalidii wu ka garawsaday cabashadoodii wuxuuna amar ku bixiyay inaan hestaas dib loo qaadan laguna bedelo erayadan: البطالى باع كوته وإشترى له كوت ثاني. . Macnihii waxaa loo bedelay sidatan : ’ Ninkii camalka la’aa koodhkiisii ayuu iibiyey, midkalena wuu soo iibsaday’ sida aynu ka arki karno muuqaalka ( video) hoos ku tilmaaman.
Dr Ghanim Alnajaar (غانم النجار) oo ah aqoonyahan caan ah oo Reer Kuwaitah wuxuu yidhi markii heesta la bedelay way ku adkaatay kelmadda cusub ee lagu bedelay kelmadda Soomaliga tilmaamaysay maadaama in badan la soo waday oo heestu ay caan ahayd. Waxay dadkii qaar ku kaliftay inay ka aamusaan ama waxaan la garanayn amaba kelmaddii asalka ahayd yidhaahdaan iyago oo is ilawsan
Halkan ka riixa muuqalka heesta oo laga sii daayey TVga Kuwait isaga oo aan ‘colour’ lahayn. Lama fahmi karo inay ku heesayaan البطالي ama الصومالي , malaa marmar ayay kelmadda Soomaliga tilmaamaysa u hoos gelinayan. Waxayna u egtahay in dadka reer Kuwait iska illaaween heestaas oo dadka da’da ahi sii hayaan, taariikh ahaanna u diiwaan gashantahay.
Qoraallo arintaas la xidhiidha
http://www.aljarida.com/articles/1461287908542466600/
http://www.kuwait-history.net/vb/showthread.php?t=7252
Wabillaahi tawfiiq
Maxamuud Ismaaciil Barreh
UK