Wasiirada Maaliyadda iyo Gaashaandhigga Soomaaliya oo ka wada hadlay qorshayaal muhiim u ah horumarinta Ciidanka

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xassan Cali Maxamed.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay dhameystirka qorshaha Diiwaan galinta (paymetric) Ciidamada Xoogga Dalka oo hada meel wanaagsan maraya.

“Saaka waxa aan xafiiskayga kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed oo aan ka wada hadalnay horumarka maamulka maaliyadda iyo amaanka Dalkeena iyo dhameystirka qorshaha paymetric, Dhamaan waa in aan ka wada tashanaa sidii aan u wada dhisan lahayn Dalkeena” ayuu yiri Dr Bayle.

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Gaashaandhigga ayaa mudooyinkii la soo dhaafay waday qorshe ay ciidamada Xoogga Mushaarkooda ku qaadanayaan Account xisaabeedkooda gaarka ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso