Aragtiyihii Tabnaa Ee Machiavelli

Aragtiyihii Tabnaa Ee Machiavelli

Niccolo Machiavelli oo ahaa nin Talyaani ah, noolaa sannadadii 1469-1527kii. Waxa uu ahaa diblomaasi, siyaasi, taariikhyahan, faylasuuf iyo waliba qoraa xeeldheere ku ah arrimaha bulshada, sida oo kale waxa lagu naanaysi jiray “Aabbaha culuumta casriga ah ee siyaasadda.” Machiavelli waxa uu waqti dheer Jamhuuriyaddii Florentine (hadda qayb ahaan Talyaaniga ah) kala shaqaynayay diblomaasiyadda iyo arrimaha millitariga.

Waxa uu leeyahay aragtiyo badan oo dunidu hadda dabbaqdo kana shidaal qaadato, sida kuwo dhaqaale, siyaasadeed iyo arrimo bulsho. Machiavelli waxa aanu ka maqnayn oo uu darsay waxna ka yidhi culuumta kasmofaneedka (psychology). Waxa uu leeyahay aragti ku saabsan “shakhsiyadda” taas oo uu kaga hadlayo dabeecadaha shakhsiyadeed ee kala duwan kuwaas oo uu u kala saarayo qaybo togan iyo qaar taban. Sida oo kale waxa jirta aragti tan ku dhow oo uu ku qaadaa dhigayo goobaha shaqada, shaqaalanimada, hoggaaminta iyo awoodaha kala duwan ee uu adeegsado maamulku: mid dawladeed iyo mid gaar ahaaneedba.

Fikradaha gurracan ee Machiavelli waxa ka mid ah in sifo kasta oo suurtogal ah ay dadku u mari karaan guusha ay hiigsanayaan, xataa haddii sifadaasi tahay mid khiyaano ama halaag ku dhisan. Waxa uu leeyahay hal-ku-dheg caan ah oo la yidhaa “The ends justify the means.” Macnaheeduna noqonayo; hadafyada aad u socoto ayaa ka mudan waddooyinka aad u marayso.

Machiavelli waxa loogu yeedhaa; aasaasihii siyaasadda iyo diblamaasiyadda khiyaanada ku dhisan. Aragtiyaha siyaasadeed ee khiyaanada ku dhisan isaga ayaa bud-dhig u ah, waana sababta maanta kolka aragtidaa la qeexayo loogu magacdaray; Machiavellianism theory. Dunida reer galbeed qofka lagu yidhaa aragtidaadu waa Machiavellianism waa u sharaf dil.

Machiavelli waxa uu qoray buug dunida caan ka noqday “The Prince” oo uu qoray qarnigii 16aad, kaas oo uu kaga hadlayay guud ahaan siyaasadda, qaranimada iyo dawladnimada. Waxa uu ka mid yahay buuggaasi buugta ilaa hadda la adeegsado dhowr qarni ka dib daabacaddiisi.

Machiavelli waxa uu leeyahay aragti uu ku faaqidayo sida aad caan u noqon karto, isaga oo taxay qodobbo dhowr ah oo aynu ka soo qaadan karto aragtida odhanaysa “ku dheg, ha la isku kiin dhereriyo’e,” taas oo nuxurkeedu yahay; haddii aad rabto in aad caan noqoto in aad qabsan karto, aflagaadayn karto, la dooddi karto oo aad bilaa sabab ku weerari karto qof kaa aqoon iyo waayo aragnimo badan, taas oo uu aaminsanaa in aakhirka ay dhici karto in la idiin garnaqo, lana dhagaysto dooddaada: sax iyo khalad ka ay tahayba, gebogebadana aad ka dhaxli karto caannimo.

Robert Greene oo caan ku ah buuggiisa “The 48 Laws of Power” waa ragga aragtidaa Machiavelli dib u soo cusboonaysiiyey. Greene waa qoraa reer Maraykan ah oo asalkiisu Yuhuudi yahay. 1959kii ayuu ku dhashay Los Angeles.

Greene noloshiisu waa mid xiiso badan, siddeetan xirfad-shaqeed ah oo kala geddisan ayuu ku soo shaqeeyey; sida, farshaxannimo, shaqaale-hoosaad dhismayaasha ah, turjumaan, tifatire wargays, qoraa filimada Hollywood ah iyo shaqooyin kale oo badan, intaa ka dib ayuu noqday Greene-ka caanka ku ah qoraannimada ee buugtiisa la xigto.

Dadka qaar waxa ay ku luggo’aan fikradaha uu faafiyo Greene, aragtiyahaa oo qaarkood Bini’aaddanimadaba ka hor imanaya. Tusaale ahaan waxa uu aaminsanyahay aragti ah in aad ku shaqaysan karto dadka, dabadeed dheeftooda sheegan karto si aad maamuus ugu hesho, iyagana aad sheeli karto si aanay magaca kula wadaagin.

Robert Greene waxa uu ku waafaqsanyahay Niccolo Machiavelli aragtida ah haddii aad is dareento  in sumcaddaadu hoosayso ama aad tahay qof aan isha dadweynuhu qaban in aad u baahan tahay in aad weerar ku qaaddo bulshada haldoorkeeda ugu  caansan, ugu dhaqaalaha badan ama ugu awoodda badan, si aad u hesho caannimo.

Aragtiyahaas waa kuwo wali saamayntoodu muuqato, waxana ay noqdeen fikrado iyo aragtiyo dad badan hadda ay ku dhaqmaan. Muddooyinkii u dambeeyey waxa ay dhallinyarada qaarkood qabatimeen aragtida odhanaysa birmagaydada bulshada ceebe, dhalleece ama aflagaddee, hala idin kala qabtee. Dhallinyaradaa waxa saamaysay aragtidii Machiavelli boqolaal sano ka hor dhiteeyey oo ay dabbaqayaan ku dhaqankeeda.

Imisa ayaad aragtaa dad aan isku-heer ahayn oo muran iyo doodi dhexmarayso? Imisa ayaad aragtaa kuwo aqoon diineed lahayn oo haddana ka fadwoonnaya diinta? Imisa ayaad aragtaa qof aqoonta diinta ka madhan oo haddana culimadii la murmaya? Imisa ayeynu aragnaa kuwa heer jaamacadeed aan ahayn, oo haddana dadkii aqoonta lahaa isku dherarrinaya? Imisa ayeynu aragnaa dad badan oo aan aqoon lagu ogeyn, oo haddana iyagii magacyo aqoon ku lug leh la baxaya?

Diinta Islaamku waxa ay diidday in qof la ceebeeysto daw la’aan. Qofka magaciisu ka madaxtaagan yahay bulshada si gooni ah ayaa loo dhowray sharaftiisa, haddii uu yahay madax, aqoonyahan diineed iyo haldoorrada bulshada dhammaantood. Bulshada Soomaalidu iyaguna birmageydo ayey lahayeen aan la taabanjirin dhiiggooda iyo sharaftoodaba.

Caannimo iyo qaddarin laguma helo in aad isku-dhereriso dad kaa maamuus badan, ceebayntoodana lagama dhaxlo in aad soo dhawayn kaga hesho bulshada, balse magacyada aad raadinayso qaar liddi ku ah ayaad kasbanaysaa. Waana fikrad liidata oo uu dunida u ballaysimay Machiavelli. cid kasta oo fikraddaa qabatintaana ay ka faa’idayso in la fogeeyo.

 

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso