Suudaan oo soo dhoweysay wada hadallada u socda iyada iyo Maraykanka

Dowladda Suudaan ayaa soo dhoweysay hadal dhawaan kasoo yeedhay Maraykanka, markii ay xukuumadda Washinton DC sheegtay inay diyaar u tahay inay billowdo geeddi socod ah in Khartuum laga saaro Liiska Madoow oo ay ku jirtay Tobanaankii Sano ee lasoo dhaafay.

Arbacadii Todobaadkan ayay ahayd markii uu Maraykanku ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay in ay ka saarto Suudaan Dowladaha ugu jira Liiska ee ku eedeysan ku tumashada xuquuqul Insaanka, iyo taakulaynta Argagixisada.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Suudaan , Al-Dardir Maxamed ayaa Maalin ka hor ku dhawaaqay in la billaabayo Wejiga Labaad wada hadallo ay la yeeshaan Maraykanka, kuwaas oo ku saabsan sidii wax looga beddeli lahaa xaaladda faquuqa ah ee xukuumadda Khartuum.

Al-Dardir Maxamed, ayaa sheegay inuu la kulmay Xoghayaha arrimaha Dibedda ee Maraykanka John J. Sullivan, markii ay isku arkeen shirkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee dhawaan ka dhacay Magaalada New York.

Kulanka ka dhacay New York ayaa lagu sheegay in Diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee ay Suudan ku leedahay Gobolka iyo baahida loo qabo in la horumariyo xidhiidhka Labada Dal.

Maraykanka ayaa Suudaan ku daray Liiska Waddamada ku jira Liiska xukuumadaha xidhiidhka la leh Argagixisada, isla markaana ay ka jiraan tacaddiyada xuquuqul Insaarka ka dhanka ah Sanaddii 1993-dii, iyadoo xayiraad kusoo rogtay Madaxweyne Cumar Xasan Al-Shabiir oo dacwad ka dhan ah loo gudbiyay Maxkamadda ICC.

Advertisement

Ku Xayeysiiso