Weydii Tagtadi Hore. Qalinkii : Maxamud Xaji Cilmi

Si  aad u ogaatid halkaad taagantahay, isuguna diyaarisid horumar aad ku tillabsato, waxaa lagama maarmaan ah in aad yar milicsato taariikhda uu soo maray aadmiga.

Socodka taariikhda waxaad ku arkeeysaa khaladaad uu aadanuhu sameeyay, intaa kuma ekeeynee wuu  ku soo celiyay khaladkii mar kale, waxaana taa markhaati u ah dgagaalkii koowaad  ee adduunka iyo kii labaad oo isku xigay, ahaana falal khassarooyin badan kaga tagay dunida guudkeeda.

Haddaad booqatto Hiroshiima ee ku taal dalka Japan waxaad ku arkeysaa taallo laga dhissay meeshii lagu dhuftay atoomik bomka. Taallada waxaa ku qoran far jappanees ah oo macnaheheedu yahay:  ha sameeyn fal sheeydaameedkan mar kale ” Do not repeat this evil”.
Waxaad mooddaa in ay sirtii lagyu sameeyay  hubka nuklearka uu faraha ka baxay, oo la wada ogyahay, dowlado badan ayaa lagu tuhunsanyahay in ay faraha kula jiraan sameynta hubkan halista ku ah jiritaanka aadmiga, waana tan keentay in dowladaha waaweeyn in ay ku mashquulaan xakameeynta baahidda hubkan, waase goorma – waa mar ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen.

Duni aan laysu tureyn leeysuna awood sheeganayo ayaa kaliftay in cilmigu ku sii jeessto soo saaridda wax aan dan u ahayn nabadda iyo horumarka caalamka aannu ku nool nahay.Waxaa hubaal ah oo cidna ka qarsoonayn cabsi la kala qabo awgeed in  laysu hub urursanayo. Dowladaha waaweyn ayaa horay u sameystay hubka wax gumaada, kana ilaalinaya inay gacantooda gasho wax ka baxsan iyaga,  si ay u cabsi geliyaan kuwa aan qabin, una isticmaalaan markay la kulmaan khattar.

Somalia wax maka baratay tagtadii xanuunka badnayd?

Intaa hore arar beey ii ahyd laakin muhiimmadda qoraalkeeyga ayaa ah in aan tuso ummadda Somaliyeed in aadmigu khaladaad geli karo – balse ay haboontahay in aan lagu soo cel celcelin ee laga waantoobo. Tagto xanuun badan ayaa u gashay Somalia Taarikhda dhow,  waa mid ay ka dhaxashay dagaalkii sokeeye ee labaatan jirsaday galaaftayna hanti wuxuu dalka lahaa, barakiciyayna malaayiin Somali ah oo ku kala baahay dunida dacalladeeda. Waxay ahayd  musiibad nagu soo socotay laakin aan la dareemin waqti hore. Waxaa hubaal ah haddeey ogaan lahaayeen in ay sidan ku dhamaaneyso, in labada daraf ee uu dagaalka ka dhexeeyay  maslaxada la dhex  dhigay mid walba orod ku aqbali lahaa. Dib  ayeey isu weeydiiyeen dad badan oo ah  waxgarad Somaliyeed ah sababta heerkaa na gaarsiisay, hase yeeshee mid waliba jawaabtiisa wuxuu ku soo koobay laba eray oo ah  “Cadaalad Darro”.

Taa ayaa hooyo u noqotay fal kastoo xumaa e ka dhacay dalkeenna. Waxaanan oron lahaa dadkeenna     ” Ha sameyn fal sheeydaamedkan mar kale”, maxaa yeelay waxey noo dhibtay sida japan Hiroshiima  u kahsaday una nacay dagaal oo idil wixii dhacdadaa ka dambeeyay.

Tagto aan ku habooneyn in looga sheekeeyo ubadkeenna, ayaa  soo martay ummadda Somaliyeed labaatankii sano ee u dmbeeyay.Waa waqti lumay oo aan lahayn tarikh lagu faano, balse cashar laga qaadan karo si aanay u dhicin mar kale.
Maxaa ma mid ahaa khaladaakii nasoo maray:

a) Caddaalad darro

b) Siyaasad Xumi

c) In ummadda loo jiheeyo dagaal ka baxsan difaaca dalka

d) Danta ummadda oo aan laga hormarin tallaabo kasto oo la qaadayo

e) Awoodda oo si ka baxsan sharciga loo isticmaalo

Maxamud Xaji Cilmi
London, Ingiriiska
melmi@mail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso