Daawo: “Waxannu doonaynaa inuu booliskeennu noqdo mid ay dadka saaxiib yihiin oo carruurtu marka ay aragto ay ku faraxdo” Madaxweyne Biixi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isaguna munaasibadda sanad-guurada 25-aad ee Aas-aaska ciidanka Booliska hadal kooban ka jeediyey, ayaa ugu horrayn ciidanka ku hambalyeeyey horumarka ay ku tallaabsadeen, isaga oo caddeeyey inuu horumarkaasi gaadhay heer bulshada caalamku ka markhaati kacdo nabadda iyo deggenaanshaha dalka ka jira, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ciidankeenna Boolisku maanta waxa uu marayaa meel uu dalku ku faano, ummadduna ay ku jeclaato oo uu nabadgelyadii qarankiisa hubiyey, caalamkuna ku majiirto inay Somaliland meel deggen tahay oo ciidan Boolis iyo kala-dambayni ay jirto.”


Madaxweynuhu waxa uu la dardaarmay ciidanka Booliska, waxana uu tilmaamay sifooyinka wanaagsan ee laga rabo iyo sida ay lagama-maarmaanka u tahay inay bulshadu kusoo hirato, “Waxannu doonaynaa inuu booliskeennu noqdo mid ay dadka saaxiib yihiin oo carruurtu marka ay aragto ay ku faraxdo, waxaynnu higsanaynaa oo aynnu doonaynaa inuu Booliskeennu noqdo mid dadka taagta darani ay kusii hirtaan oo aanay ka cararin, waxannu doonaynaa inuu Boolisku noqdo mid ka argagixiya oo ka hortagga dambiilaha iyo qofka fidno-walaha ah,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxana isaga oo ka hadlay baahida loo qabo in Booliska iyo shacabku wada-shaqeeyaan uu intaas ku daray, “Dadweynaha waxa aynnu ka doonaynaa inay Boolis wada noqdaan oo Booliska la shaqeeyaan, taasna waxa aynnu ku hanan karnaa innaga oo dadka iyo Booliskaba wacyigelin xoog ah siinno, qofka Booliska ahina sharciga ayuu metelayaaye, waa inuu dadka baraa inay sharciga jeclaadaan, dadweynuhuna waa inay hiil iyo hooba la garab istaagaan.”

Advertisement

Ku Xayeysiiso