Wasiirka Maaliyadu Wuxu Kala Irdheeyay Madaxweyne Muse Bixi Cabdi iyo Jaamac Ismaaciil Cige oo loo garan ogyahay Jamac Shabeel, Yuuse U Adeegsaday ?

Wasiirka Maaliyadu Wuxu Kala Irdheeyay Madaxweyne Muse Bixi Cabdi iyo
Jaamac Ismaaciil Cige oo loo garan ogyahay Jamac Shabeel, Yuuse U
Adeegsaday ?

*******************************************
W/q Shaafici Maxamuud Cige

marka waxan halkan salaan qaaliya u marinaya akhristayaasha sharafta
iyo karaamada u saxiibka ah anigu ku salaamaya salaanta islamka
(Asalamu alaykum Waraxmatulahi Wabarakatu ) bacda salaan

waxaan caawa jeclaystay inan xogo dhowra oo aan helayo oo ku saabsan
is fahan waaga Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige Jaamac shabeel iyo
Madaxweyne Muse Bihi Abdi oo ahaa saaxiibo isku dheer siyaabo kala
duwana usoo wada shaqeeyay tan iyo intii la asaasay qarinimada JSL ,
haday tahay halgankii dib u xoraynta dalka oo ay ka wada tirsanayeen
SNM iyo hadii ay tahay kasoo wada shaqaynta xisbiga haatan talada
dalka haya ee kulmiye , Jaamac iyo madaxweyne muse waxay soo wada
shaqaynayeen muddo haatan aan tiro sanadeed lagu garan karin ,
waxaanay ahaayeen saaxiibo aad iyo aad isagu xeel dheer mudana soo
wada dhisayay , hanashada kursiga imika madaxweyne Muse Bixi Cabdi ku
fadhiyo .

Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige waxa uu ahaa siyaasigii kaliya ee u
jilib dhigay dagaalkii adkaa ee lagaga soo horjeeday xulashada
musharax Muse Bixi Cabdi ee inuu u matalo jagada musharaxnimo ee
xisbiga talada dalka hayay ee Kulmiye , halka siyaasiyiintii ugu tunka
weynaa beesha madaxweyne Muse Bixi Cabdi kasoo horjeedeen wakhtigaas ,
ayna sababtay inay xubno tiro badan oo xisbiga ku jiray isla markaana
ka tirsanaa xukumadii wakhtigaas uu gadh wadeenka ka ahaa Mujaahid
AXmed siilanyo ay iska casilaan hal maalin iyagoo kooxa si aanu
musharax u noqon Madaxweynaha haatan dalada dalka haya ee Mujahid Muse
Bixi Cabdi.

Sida runtiiya qalin iyo qoraal toona laguma soo koobi karo hiilka ,
tabaha siyaasiga iyo waliba naf iyo maalba inta goor ee uu siyaasi
jaamac la garab istaagay Madaxweynaha jsl
ee Muse Bixi Cabdi

iyadoo taasi jirto

siyaasi jaamac ismaaciil cige shabeel waxa uu ahaa shakhsi halkaa
kasii waday dedaalkii iyo lex jecladii xisbiga kulmiye u hayay kadib
magacabiistii wasiirada cusub iyo dhisitaankii xukumadii Md muse bixi
, ma uu saluugin , kamanuu hinaasin wasiiriidii wakhtigaas la dhisay ,
waxaana ku iimaan qabay qaab kasta oo ay wax u dhacayeen marka laga
tago wixii diinta islamka lid ku ah.

halkay iska maan dhaafeen madaxweyne Muse Bixi iyo Jamac shabeel

Siyaasi jaamac ismaciil cige waxa waraystay Dhowr TV kadib markii ay
xukumadu muddo dhisnayd , waxaanay ka waraysteen qaabka u shaqaynayo
madaxweynihii ay kaso baxay xisbigoodu , sidoo kale waxay weydiiyeen
aqoonta uu u leeyahay wasiirada uu soo xushay madaxweyne muse bixi iyo
waliba inay xisbigooda ka tirsanaayeen ,

Siyaasi jaamac shabeel waxa warbaahinta uga jawaabay saddexda
su’aalood ee is barkan
waxaanu kaga jaawabay sida tan.

madaxweynihii aanu dooranay wuu shaqaynaya waxaanu howsha u wadaa si wanaagsan

wasiiradan cusub badankooda ma garanayo xisbigana kuma jiraan qaarkood
, laakiin waxa uu daba dhigay isla jawaabtas madaxweynaha xisbi aahaan
waxaanu kula xisaabtamayna cadaana wasiiro ha ka dhigto e
waxqabadkiisa iyo inuu fuliyo wixii aanu u balanqaadnay umadda .

halka markay arintu marayso waxa shakhiyay oo bacoobay isna mooday in
loo jeedo kursigiisa

wasiirka wasaarada horumarinta maaliyadda
mudane Yusuf Maxamed Raage oo galay dig iyo difaac isla markaana u
tafaxaytay siduu karkaarta u dhaafin lahaa gudoomiyaha golaha dhexe ee
xisbiga kulmiye siyaasi shabeel , waxaanu u adeegsaday weerarka
siyaasigan ay isku degaanka yihiin xoghayaha xisbiga kulmiye Mudane
Xasan siciid iyo Axmed C. dheere oo iyaguna ah haatan labada shakhsi
ee uu u irmaan yahay wakhtigan , isla markaana fuliyay mashruucii
caydhinta siyaasi shabeel ,

intaas oo kaliya kuma eega hagar daamooyinka siyaasiga ah ee wasiirka
maaliyadu kula kacay siyaasi shabeel waxa kale oo jirtay inuu shaqaale
uu magacawday oo digreeto heer wasiir ah , uu ku magacabaay lataliyaha
arimaha sharciga ee wasiirka wasaarada maaliyada waa isla isaga e ,
magacaabistan ayaa ah mid aanu siyaasi jaamac shabeel waxba kala socon
isla markaana yaab iyo amakaag ku riday dhagaha shacabka jsl iyo
waliba cid kasta oo siyaasi jaamac shabeel magaciisa iyo muuqiisaba
taqaan iyo waliba sidoo kale dadka ay kaftan wadaagta yihiin
siyaasigan ruug cadaaga ah .

isku soo wada duubo door muhiima ayuu ka ciyaaray wasiirku sidii uu
saqiirin lahaa siyaasi shabeel una waydaarin lahaa xayndaabka
madaxtooyada iyo agagaarka xisbigaba

aakhirkiina waxa uu ku guulaystay sidii u kala irdhayn lahaa mataanaha
madaxweyne Muse Bixi Cabdi iyo Siyaasi jaamac shabeel walow ay socoto
, wada hadal ay wadaan koox madaxdhaqameed ah oo labada dhinaca ah ,
rajo fiicana leeyahay arinka labada masuul waa madaxweynaha iyo
siyaasi shabeele

waxaan halkan baaq uga diraya
madaxweynaha jsl

mudane madaxweyne lagaaga sheekayn maayo waxtarka iyo
saaxiibtinimadiina adiga iyo siyaasi shabeel waxaad soo wada marteen
nolol ta u adag , maalmo kala duwan oo isagu jira macaan iyo
qadhaadhba , waxa uu kula haybsaday helida kursiga dalka ugu sareeya
ee aad imika fadhido , halka jaamacna wali halkiisii yahay , waxa uu
guusha kaala soo saaray goos dambays yixaas waanad ogtahay ,
madaxweyne waxaan kugu dardaaraya yaan laydin kala waramin adiga iyo
mataankaaga shabeel.

waxa nala gudboon ardaa ahaana inaanu xaal golo u joog ah ka bixino

intaas oo arin markay jiraan waxaan ka garaabay anaga oo hayb ahaan
wasiirka maaliyada is xigna inuu yahay ka ka khaldan siyaasi shabeel
waxaanan dhawaan insha allah
siyaasi shabeel siin doonaa xaal goob u joog ah ardaa ahaan

wixii xog ah ee kasoo kordha howshana waan idinla wadaagi insha allah

Advertisement

Ku Xayeysiiso