Wasiir Xirsi iyo Jawaabtii Wasiir Xaashi. Jawaabta iyo Sua’aashu Isma Laha!!!

Wasiir Xirsi iyo Jawaabtii Wasiir Xaashi.

Jawaabta iyo Sua’aashu Isma Laha!!!

Waad garanysaa haddii aad macallin tahay ama ahaan jirtay; waxa jira arday jawaab sax ah qora, oo waliba far fiican ku qora, haddana aad ka khalado su’aasha; taas oo kale ayuu sameeyay saaxiibkay Max’ud Xaashi. Waxay ahayd su’aasha laga jawaabayay: M/weyne Silanyo xasuustiisu miyay naaqustay; isaguna wuxu ka jawaabay su’aal kale oo odhanaysa: M/weyne Siilaanyo miyuu lumiyay xiskiisii?; laakiin jawaabtu sax bay ahayd; si balaaqo lehna wuu u sharxay!!! Maxayse ku taal haddii aanay jawaabta iyo su’aashu is lahayn!!!

Maxud Xashi oo aanu runtii Class mate ahayn dugsigii sare, si gaar ahn aanu saaxiib u ahayn; inkasta oo aan saluugay saaxiibtinimadiisa intii uu wasiikra culus ka noqday dawladdii Axmed Siilaanyo, taasoo uu si caddaan ah u dafiray saaxiibnimadii naga dhaxaysay; waxay gaadhsiisnayd illa heer aanu nafta isku aammino;waxan xasuustaa, isagoo SNM soo dirtay, ayuu habeen habeenada ka mid ah igu soo garaacay guriga aan degganaa ee magaalada Burco; habeenkaa haddii nala ogaan lahaa labdayadaba nalama arkeen meel aanu marnay!!! wuxu ila wadaagay isla markiiba hawl-gal loo soo diray; the rest is story.

Si kastaba ha ahaatee, haddana halkii aan ku qoray saaxiibnimadiisu kor bay u soo kacday intii danbe laba arrimood awgood:

1- Sidii uu iila dhaqmay saaxiibkaygii danbe!!.
2- Isagoo u maamulay isla dhacdadan oo kale si ka milgo iyo sharaf badan sidii uu saaxiibka danbe u maamulay; waxa xusid mudan, in ninka naloo garqaadayay uu mar waliba ii sheegi jirey siday Maxud Xaashi isagu dhow yihiin, Anna uma bixi jirin, illàa maalintaa uu ogaaday aqoonta aanu Maxud isu leenahay!! Ya u sheega kuwii lahaa cid baa nalaga xigsaday!!! the rest is story!!

Cabdo: Macaalinka Dhaqaalaha

Advertisement

Ku Xayeysiiso