Kuwaan Yaad Ka Taqaan..?.

Rusuulkeena Muxamed, Nabigii Runlowga ahaa CSW, wuxuu yiri: Dadka waxaa u imaan doona waqti:

1-Waxa Hamigooda ah oo ay daneynayaan ay Tahay Calooshooda.( Waxey cunaan, igu shubo).

2-Sharafkoodu uu yahay Mataacdooda ( dharka uu xiran yahay, fadhiga guriga u yaal, Baabuurka uu wato, bilicda xafiiskiisa, iwm).

3-Qibladoodu ey Tahay haweenkooda( waxa niyadooda u badan haweenka, oo xagooda ay u iishaan).

4- Diintoodu ey Tahay Lacag Diinaar & Dirhan ( waxa uu jecelyahay Lacag oo lagaba yaabaa in darteen qaar diintaba uga baxaan, ama ficil looga baxayo ey sameeyaan, hadda Diinaarkii & Dirhamkii waxaa noo bedelay Dollar & euro).

5- Kuwaasi waa kuwa ugu sharta badan khalqiga, Allaah agtiisana wanaag uma yaal. ( F.S: 1aad).

FG: wixii fasirka aan Ka khalday iga sax, Allaah iyo Rasuulkaa Ku Cilmi leh.

Samankii Rasuulku CSW sheegay mala joogaa? Dadkaasi ma joogaan?.Yaad Ka taqaan?. Ha magacaabin, u duceey in Alla soo hanuuniyo.

Adigu ha ka mid noqon kuwaa, ALLA ha kaa najeeyo, Aamiin.

Qore: Yahya Amir.

Advertisement

Ku Xayeysiiso