Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Siyaasadda Soomoalida iyo Xasadka (Qaybtii 31aad) By Maxamed Xoosh

Xikmad Ayaa Tidhaa “Dadka Waxa u Maqaam Hooseeya Qofka Aan Lahayn Cid Xaasidda”

Ma Jiro Qof La Iska Xaniyaa Ama La Xaasidaa Isgoon Dheeraad Ilaahay
Siiyay Lagu Durayn Iyo Tacab Badan Oo Naftiisa Galiyay , Qof Aan Caadi
Ahayn Ayaa Carrabka Lagu Badiyaa Ama La Xaasidaa Dunida Sadexaad Ee
Saaqiday La Iskulama Yaabo ..

Bulshada Soomaalida Meel Kasta Oo Joogto Marka La Falanqaynaayo
Siyaasidda Cudurka Ah In Cid La Yaraysto Keliya Mucaarid Ayuu Igu
Yahay  Ama Cid La Weyneeyo Waayo Waa Garabkayga Wey Ka Siman Yihiin
Dhamaan Waa Halka Laga Gaadhi Laa’yay Ilaa Maanta Xalal Waara Oo
Abaaraha Ka Rara Deegaamadda Ay Degaan

Qabiilku Waa Waxa Ugu Weyn Ee Dhaliya Xasadka Siyaasiga Ah,  Waxay
Noqotaa Waxna Waan Jecelahay Waxna Waan Necebahay Caqli Se Shaqayn
Maayo, Waxa Dhaliya Xasadka Iyo Nacaybka Isna Faqriga Bulshada Dhex
Yaal Oo Badanaa Cida Talada Haysaa Lagu Tuhmo Waa Tuhun Loo Qabo
Siyaasiyiinta ….

Hibada Ilaahay Bixiyo Iskama Soo Baxdo Balse Qofku Dedaal Iyo Tacab
Badan Ayuu La Yimaadaa Markaasay Soo Baxdaa Waa Halka Xasadka  Ka
Dhasho , Waxa La Yaab Leh Bulshooyinka Soomaalidu Cida Qof Diidan Ama
Xaasidayaa Isma Qariyo Waayahan Danbe Barahama Bulshada Ama
Warbaahinta Ayuu La Soo Fadhiisanayaa Inuu Qofkaa Diidan Yahay Ismana
Oga Waxa Afkiisa Ka Soo Baxaa Inay Yihiin Xume If iyo Aakhiroba Danbi
Uga Kordhaayo

Xasadku Waa Danbigii Ugu Horeeyay Ee Samada Lagu Galay IBLIIS Ayaa
Xaasiday Aabaheen Nebi AADAN Waana Danbigii U Horeeyay Ee Dhulka Lagu
Galay Markii Labadii Ilma Nabi Aadan Isku Dileen ‘HAABIIL IYO QAABIIL’

Xaga Siyaasadda Qofka Carrabku Ku Badan Yahay Waa Calaamad Tilmaamaysa
Jiritaanka Ama Waaritaanka Siyaasigaa

Maxamed Xoosh

Advertisement

Ku Xayeysiiso