Netanyahu: Booqashadayda Sultanate of Oman waxaa raaci doona booqashooyin iyo wadahadalo lala yeesho wadamada kale ee Carabta


Ra’iisul Wasaaraha Yuhuuda Benjamin Netanyahu ayaa shaaca ka qaaday booqashooyin uu ku tagi doono dalal kale oo Carabeed ka dib booqashadiisa Sultanate of Oman.

Shirkiisii Golaha Xukuumadiisa ee maanta ayaa Netanyahu wuxuu sharraxay “calaamadaha waaweyn” ee booqashadiisa toddobaadkan ee Cumaan.

Waxa uu sheegay in tani ay ahayd booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah oo ra’iisal wasaare Israel ku tago dalkaas muddo 22 sano ah, iyo in ay hagaajisay diblomaasiyada xukuumada ee waddammada Carabta sanadihii dhowaa soo hagaagtay.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in wadahadalladii Cumman “ay muhiimad weyn u lahaayeen nabadgelyada iyo siyaasada waxaana raaci doona booqashooyin iyo wadahadalo lala yeesho wadamada kale ee Carabta.”

Netanyahu ayaa dhawaan booqday Cumaan, halkaas oo uu kula kulmay Sultan Qaboos bin Siciid Booqashadan oo si rasmi ah loo shaaciyey Jimcihii.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso